Koobkan oo ahaa tartank sanadeedka Ramadaanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Jaaliyadda Sports Soomaaliyeed ee wadanka Kenya, waxaana ka soo qeyb galay 20_kooxood oo is kugu jira Soomaali iyo Kenyan, waxaana ka qeyb qaatay ciyaarihiisa ku dhawaaad 200 oo ciyaaryahan.
“Waxaaan ku faraxsanahay dadaalka ay sameeyeen xubnaha Jaaliyadda Sports ee wadanka Kenya, waayo haddii aysan jiri laheyn abuulka tartamada nuuca ah waxaa dhici laheyd in dhalinyaro badan oo Soomaali ah ay ku mashquuli lahaayeen waxyaabo xun oo mustaqbalkooda wax u dhiba” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeen Olombikada Duraan Faarax.
Guddomiye xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Axmed Nuur Xasan C/lle ayaa isna ka hadlay xafladii xiritaanka koobkaas, wuxuuna sheegay in Xiriirka Soomaaliyee ee K/cagta uu taageero siinayo jaaliyad kasta oo ka qeyb qaadaneysa horumarka mustaqbalka dhalinyarada k/cagta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay Xiriirka Soomaaloyeed ee K/cagta uu hadda diyaarinayo ciyaaraha k/cagta ee gobolada wadanka, wuxuuna ku dhiiragaliyay dhalinyarada SOomaaliyeed ee K/cagta ee Kenya ku sugan in ay hormariyaan xirfadooda ciyaareed, si mustqabalka ay u anfacaan qaranka K/cagta.
Ciyaaryahankii hore ee Xulka qaranka iyo kooxda Elman, hadana ah Xoghayaha guud ee Jaaliyadda Sports Kenya Anas Cali Maxamuud ayaa ka warbixiyay tartankan, wuxuuna sheegay inuu soo billowday 20/08/09, wuxuuna intaas ku daran in tartanka uusan aheyn midkii ugu horeeyay ee ay jaaliyadu soo abaabushay ayna jireen tartamo dhowr ah oo kan ka horeeyay.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Sports ee Kenya Ilyaas Jareere ayaa isna mahadceliyay shaqsiyaad iyo kooxo ka caawiyay dhinaca qalbabka iyo farsada ee koobkii shalay la soo gaban gabeeyay, “Waxaan uga mahacelineynaa kooxaha Elman iyo Banaadir Telecom, taageeradooddii, sidaaas oo kale waxaan u mahadcelinayaa Guddoomiyihii hore ee kooxda Elma Mudane C/rashiid oo taageero shaqsiyan ah na siiyay” ayuu yiri Ilyaas.
Ciyaartii shalay oo aheyd mid aad u xiiso badan oo ay ka soo qeyb galeen taageerayaasha laba kooxood ayaa waxay waqtigii loogu talo galay ku soo idlaatay 1-1, hase ahaatee rigooreyaal 3-1 ay ku guulesatay kooxda Walaala, waxaana dhinaca kale tartankaas gool dhalintiisa ku guuleysay Caadil Nuur oo ka mid ah weeraryanahada xulka qaranka 20-jirada.
Macalllinkii hore ee xulka qaranka C/llaahi Baskuwaale, Xiddigii hore ee xulka qaranka K/cagta Canbar Qamiis iyo wakiilka xiriirka K/cagta ee CECAFA Caamair ayaa iyaguna ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka soo qeyb galay daawashada ciyaartaas.

Duraan (GOS) oo koobka gacanta u galiyay kabtanka kooxda Walaalaha.

Axmed Nuur (SFF) oo abaal marinta guddoonsiinaya Caadil Nuur oo dhaliyay goolashii ugu badnaa ee tartanka.

Duraan, Axmed Nuur, Anis iyo Ilyaas oo qiimeynaya qaab ciyaareedka dhinyarada.

Faarax Blue
fmcblue@hotmail.com
Nairobi-kenya