|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Siminaarkii Garsoorayaasha CAF oo soo gaban gaboobay, Garsoore Xeyle oo aan ka wareysanay (SAWIRADA

Sabtidii waxaa magaaladda Nairbo ee wadanka Kenya lagu soo gaban gabeeyay Siminaar muddo todobaad ah  u socday garsoorayaasha K/cagta ee wadamada ku hadla Af-ingiriiska ee Anglophone,  ee qaaradda Africa waxaana koorsadaad ka qeyb qaatay garsooreyaal ka socday 25-wadan.

Somalia waxa uga qeyb galay garsooraha caanka ah ee  C/qaadir Xasan Xeyle, waxaana mar uu  cayaaraha.com la hadlayay u sheegay in ujeeda ugu qeyn ee koorsadan ay aheyd sadex arrimood oo kala ah, kor u qaadisata aqoonta gorsoorayaasha  ku hadla Af-ingiriiska ee Anglophone ka ee qaaradda, barashada is bedel lagu sameeyay qodobada 1-aad iyo 11-aad ee sharciga garsoorka iyo is dhaafsiga khibrada iyo fikradaha garsooyaasha wadamada Anglophone-ka.

 

Xeyle ayaa sidoo kale ii sheegay in 4 garsoore oo uu ka mid yahay la soo dallaacsiiyay, kuwaas oo muujiyay dadaal dheeraad ah, waxaana korosdan oo ay macallimiin ka ahaayeen Bester Colombo, Flex Tanguarini iyo Tesfey Gabrel oo ah kahbiiro ka kala socday guddiyada garsoorayaasha ee FIFA, CAF iyo CECAFA.

 

Qodobada amendment ama isbedelka lagu sameeyay ee kala ah 1-aad iyo 11-aad ayaa Garsoore Xeyle ii sheega in qodoka 11-aad uu qeyxayo Offside, kaas oo isbedelka ugu dambeeyay ee qodobkaas lagu soo kordhiyay uu dhigayo in haddii ciyaaryahan uu garoonka  bannaanka ugu baxo amar la’aan garsoore, si Offside looga dhigo ciyaaryan ka tirsan kooxda ka soo horjeeda, in aan  garsooraha ciyaarta dhex dhexaadinayaahi joojin doonin kubadda, kaddibna jaalle lagu abaal marin doono ciyaaryankii garoonka ka baxay marka ay kubaddu dhimato ama istaagto.

 

Qodobka 1-aad  oo markii hore shariciga qaanuunka garsoorka  oo ka tilmaan ka bixinaya garoonka, ayaa isna lagu soo kordhiyay erayga (Football Turf Art) oo dhulka kubadda cagta, waayo markii hore wuxuu ahaa (Turf artificial).

 

halkan ka eeg qodobada la bedelay:- http://www.fifa.com/mm/01/05/72/16/circularno.1187-amendmentstothelawsofthegame-2009-2010.pdf

 

halkan ka eeg taariikhda garsoore Xeyle

http://worldreferee.com/site/copy.php?linkID=2053&linkType=referee&contextType=bio

1.Xeyle.jpg

1.Xeyle1.jpg

1.Xeyle2.jpg

 

Faarax Blue

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 10/6/2009
Number of Views: 647

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use