|    Register
 
Friday, March 12, 2010
Article Details
Cayaaraha v Bashiir M Yuusuf "Baabuuji" One 2 One.

Cayaartoyda soomaaliyeed ee kubadda cagtu waxa ay soo mareen marxalado iyo xiliyo aad u kala gedisan waxayse dhamaantood ka midaysnaayeen ama isaga mid ka ahaayen raaligelinta bahwaynta cayaaraha jecel gaar ahaan kubadda cagta ee ayagu u soo daawasho tagi jiray garoomada iyo waliba daafaca qarankooda.

Hadaba magaalada London ee cariga ingiriiska ayaan kula kulmay cayaryahankii hore ee kubadda cagta xulka qaranka soomaaliyeed xiliyadii 1993 - 2001 Bashiir Maxamed Yuusuf oo bahda sport gu u taqaan "Baabuuji" waxa aana taariikhdiisii sporti iyo dhacdooyinkii uu kala kulmay xiligii uu cayaarayey kubadda cagta oo aad uga duwanaa ugana adkaa xiliyadii ka horeeyey ku eegi doonaa qormadayada One 2 One ee aan had iyo goor ku eegno taariikhda cayaartoydii hore ee dalkeena.

Waxaan sidii caadadu inoo ahayd fursad u siinaynaa bahda sport ga ee aqoonta wanaagsan u leh xiddigan, saaxibadiisii hore iyo kuwa ayagu doonaya in ay wax ka ogaadaan ama wax ka waydiiyaan xili cayaareedkiisiiba in ay su'aalahooda noogu soo hagaajiyaan email ka hoose anagoo si toos ah ugu gudbin doona cayaaryahan Baabuuji.

"Ka qayb qaado waraysiga halyeygaaga"  cayaaraha@yahoo.co.uk

 

Waraysiyada kale ee soo socda

  • Saciid Xuseen "Cayrow"     "Horseed iyo xulkii qaranka soomaaliyeed"
  • Dr Cusmaan Shiis iyo Xaawo Sheakh Axmed "Xaawo Taako" (Qaranka K Kolayga)
  • Yaxye Islow Mahadale       "Wagad iyo xulkii qaranka"
  • Xasan Xuseen "Wagad iyo xulkii qaranka"

iyo kuwa kale oo fara badan


Written By: Mohamud
Date Posted: 9/30/2009
Number of Views: 2911

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use