Shirkaas oo lagu canbaareeyay xiriirika soomaaliyeed ee kubada cagta laguna sheegay in aysan waxba qaban mudo afar sanadood ah, waxaana hadii aan nahay jaaliyadda Sports ee wadanka Kenya shirkaas gabi ahaanba u aragnaa shir larabo in lagu hor istaago horumarka uu gaaray xiriirka soomaaliyed waxaana u arkaa inay caqabad ku yihin dadkas horumarka isboortiga soomaaliyeed, dhaleecayntoodana waa mid been abuur ah.
Waxaan ogsoonahay inuu xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta in dhalinyaradii qaranka juunyarka uu hada u kaxeeyayay dalka suudaan cayaarihii CECAFA ee junyarka, waxaan kaloo la socotaan inuu ka qayb galay cayaarihii bariga iyo bartamaha africa oo suudaan lagu qabanaayay , waxaad lasocotaan in ay dib u dhis ku wadaan xiriirka garoomada cayaaraha Wadanka.
waxaa wax lala yaabo ah dadka sheganaya inay kooxaha madax u yihiin hadana hagardaamo ku wada xiriirka. waxaa kamid ah madax dhalinyaradii la soo xulay inay matalaan qaranki soomaaliyeed lagana soo xulay naadiyadooda inay dhalinyaradaas u diidaan inay matalaan qarankooda, uguna goodiyayay hadii ay qaranka raacaan in mushaaraadka ka goosan doonaan cayaara danbana aynan cayaarin,
waxaa wanaagsan in lays weydiiyo wiilasha ay qaranka u diidayaan ma Siciid Muganbe ayay difaacayaan mise Cabdi Qani? Mise qarankoodii Soomaaliyeed ayay difaacayaan! Xagee idinka martay qaranimadii umada soomaaliyeed...?
Hadaba Jaaliyadda Dhalinyarada iyo Sboortiga Soomaaliyeed ee dalkan Kenya waxay u aragtaa arintii ka shacdayn hotel naasa hablood musiibo u soo hoyatay isboortiga soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta
Waxaan maqalnay in dawlada soomaaliyeed ay ugu baaqeen inay soo dhex gasho shirna ay u qabato si lo doorto gudoomiye cusub!.
Run ahaantii arintaas waa wax lagu qoslo, waxaana leeyahay hala aqristo sharciyada caalamiga ah ay FIFA ay ku maamusho xiriirada caalamka kajira , dawladaad u yeeraysaana xaq uma lahan inay soo faragaliso xiriirka soomaaliyeed, xiriirka iyo dawladana waxaa ka dhexeeya oo kaliya wada shaqayn ee sidaas ogaada!.
Waana la ogyahay shaqsiyaadka ka danbeeya arimahaasi waxaana looga digayaa inay ka joojiyaan waxa ay wadaan waxaana kula talinaynaa shaqsiyaadkaas inay dantooda gaar ahaaneed ka hormariyaan tan qarankooda.
War-saxaafadeedkan waxaa ku saxiixnaa
Anas Cali Maxamuud.
Ciyaaryahankii hore ee xulka Qaranka K/cagta iyo Kooxda Elman, hadana ah
Xoghayaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dhalinyarada iyo Sports wadanka Kenya.