Xiriirka K/cagta ee FIFA ayaa sheegay in Chelsea aan loo ogoleyn in xitaa hal ciyaaryahan ay ka soo iibsato suuqa kala iibsiga, kaddib markii kooxdu ay si qalad ah heshiis laba sano ka hor ula soo saxiixatay ciyaaryahankii hore ee kooxda Lens Geal Kakuta, kaddib markii kooxda Chelsea ay ciyaarayahanka dhagta ugu sheegtay inuu kansalo heshiiskiisa kooxda Lens, kaddibna ay iibsan doonaa, mushaar fiicana siinayaan.
“Ganaaxan waa mid u digaya dhamaan koox kasta iyo ciyaaryahan kasta oo doonaya in ay foowdeeyaan heshiis qoran oo u dhexeeya laaba dhinac, waana wax iska caadi ah in K/cagta lagi ilaaliyo sharci iyo kala dameyn” ayuu yiri Afhayeen u hadlay xiriirka FIFA ganaaxaas adag kaddib.
Sidaas oo kale FIFA waxay Chelsea ku amartay in kooxda Lens ee ciyaaryahankaas laga soo xoogay in ay siiso lacag gaareysa £115,000 oo pound oo u dhiganta (130,000euros), waxaana mudo 4-bilood ah garoomada kubada cagta laga ganaxaay Kakuto qudhiiisa.
Kakuto oo ah ciyaaryahan xirfadiisu ay aad u sareyso ayaa hadda ka mid ah ciyaartooyda ku jirta xerada tababarka ee kooxda Chelsea ee mustaqbalka wanaagsan leh.
Ganaaxan wuxuu dhabar jab xoog leh ku yahay koooxda Chelsea oo dhamaan ciyaartooyda hadda u ciyaaraahi ay wada gaareen da’da 30-sano, waxaana kooxda Chelsea ay xanuun badan dareemi doontaa marka uu ka dhawaacmo ciyaaryahan muhiim ah.
Laakiin kooxda Chelsea waxaa u furan abiil ay ka qaadato ganaaxaas.