Sanadkan waxaa ka qeyb galaya 16-kooxood oo loo qeybiyay 4-qeybood, waxana ciyaartii ugu horeysay ee furitaanka wada ciyarahay shalay kooxaha Buur-Hindi IYO Walaalaha, waxaana labada kooxood isla mari waayeen 1-1, kulankii kale ee galabta ee dhex marayn kooxaha SYL iyo Kings waxaa 2-0 guushu ku raacday kooxda SYL.
Ciyaarahaan oo aad u xiisa badan ayaa galab kasta la ciyaaro doonaa, waxaana xafladii furitaanka ee shalay si rasmi ah koobkaas u furay Macallin C/llaahi Baskuwaale oo lagu sharfay, “SIda aad arkeysaan wadanka Somalia hadda lagama ciyaaro K/cagta,waayo dagaallo ayaa ka socda, sidaas daraadeed Jaaliyadda reer Kenya, gaar ahaan ciyaartooyda waxaan kula dar daarmayaa in horumar dhinac kasta ah ay sameeyaan, waayo xulka qaranka Somalia wuxuu u baahanyahay ciyaartooy u safta markii uu ka qeyb galayo dhacdooyinka K/cagta, waxaana qasab noqon doonta in Kenya laga soo raadin doono ciyaartooy kharta ah” ayuu macalin Baskuwaale yiri.
Waxaa kale oo iyaguna ka hadlay xafladii furitaanka Guddoomiyaha Jaaliyadda Sports wadanka Kenya Ilyaas Maxamed Jareere iyo xoghayaha guud ee Jaaliyadda ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Anis Cali Maxamuud, waxayna sheegeen in Jaaliyaddu diyaarisay mashruuc lagu horumarinayo ciyaaraha dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan K/cagta, iyadoo intaas ku daray in tartamada nuucan oo kale ah ay qabashadooda badin doonaan.
Waxaa kale oo iyaguna xafladda furitaanka ka soo qeyb galay inta badan xubanha jaaliyadda Sports Soomaaliyeed ee wadanka Kenya, waxaana ka mid ahaa Muxiidiin Cambar KHamiis, Shiiqa Xaahi Ciid iyo Cumar Jabshe, iyadoo tartankaas daawashiida ay galab kasta soo buuxiyaan taageerayaasha K/cagta SOomaaliyeed.





Faarax Blue
Nairobi-Kenya
fmcblue@hotmail.com