|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Usain Bolt oo sidoo kale u dhigay rikoor cusub orodka 200m ee adduunka.

Orodyahanka reer Jamaica ee Usain Bolt horeyna ugu guulaystay tartanka 100m ee dunida ayaa mar kale xalay jabiyey rikoorka orodka 200m ee dunida ka dib markii uu ku orday waqti dhan 19.19 seconds. 

Bolt oo 22 jir ah horeyna ugu guulaystay labadan orod cayaarihii olimbikada adduunka ayaa hadda ah orodyahankii ugu horeeyey dunida ee hal mar isku haysta horyaalada labadan orod ee olimbikada iyo tartanka adduunka ama "World Championship" asagoo sidoo kale haysta rikoorka labadan orod ee 100 iyo 200m.

Bilowgii usbuucan ayuu Bolt sheegay in uusan filayn in uu jabin doono rikoorka 200m asagoo sabab uga dhigay in uusan tababar samayn muddo bil ah wixii ka dambeeyey shilkii baabuur ee uu ku galay magaalada dalka Jamaica.

Ka dib orodkii shalay ee uu ku guulaystay asagoo u waramayey shabakadda bbc da ayuu sheegay in aad u daalan yahay isla markaana uu tartankan u galay maadaama aad loo danaynayey isla markaana uu asgu is yiri bal iska tijaabi. "Waxaan oran karaa xaqiiqo ahaan ma filayn guushan waxaanan is leeyahay hadda ka dib waxaa haboon in aan hal orod diiradda saaro 100 ama 200m midood" ayuu yiri orodyahankan dunida ka yaabiyey ee Bolt.

Usain Bolt ayaa hadda diiradda saaraya orodka qori isku dhiibka ee 100m taasoo haddii uu ku guulaysto ka dhigaysa in uu mar kale ku celiyey saddexdii biladood ee uu ku guulaystay tartankii olimbikada adduunka.


Written By: Mohamud
Date Posted: 8/21/2009
Number of Views: 346

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use