Sida uu ii sheegay Amiin Yuusuf khasaaro oo ah xubin xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, isla markaana hogaaminaya wafdiga iyo ciyaartooyda qaranka ee Khartoum ku sugan in wiilasha Soomaaliya ay ciyaar u wanaagsan oo qancisay taageerayaashii ka soo qeyb ay soo bandhigeen.
“Sida aad la socotaan Xulka Malawi wuxuu ka mid yahay xulalka ugu adag qaaradda, waayo waxay u soo baxeen ciyaaraha 17-jirada addduunka ee ka dhici doona wadanka Nigeria, sidaas oo kale waxay heer fiican ka joogaan ciyaaraha 17-jiradda qaaradda, sidaas daraadeed ciyaartii xulkeena ay xala la ciyaareen oo aheyd mid xirfadeedu ay aad u sareysay waxaan dhihi karaa in ciyaartooydeenu ay la qeybsadeen kubdda dhigooda Malaawi, ayna ku qasbeen in ay xanaaq daraadiis mid ka mid ah ciyaartooyda Malawi ciyaarta bannaanka looga saray” ayuu Yiri Aamiin KHasaaro oo sheegay in ay rajo ka qabaan kulanka baheen dambe ee Sabti ah la yeelan doonaa xulka marti galinaya koobka guul fiican oo ay ka gaaraan.
Sadexda gool ee xulka Malaawi waxaa u dhaliyay Andrew Mpetin (13) Lughindiko Mushani (16, 40-daqiiqo) halka goolka qura ee xulkeena uu dhaliyay C/caziiz Maxamed Cali daqiiqadii 20-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta, waxaan garsoorihii ciyaartas dhex dhexaadinayay ninka la yiraahdo Lulesseged Ghebremichael oo u dhashay wadanka Eritrea uu calaamada roosaha ciyaarta uga saaray Francis Mulimika, kaddib markii uu ciyaartooy Somalia handadaad dil ah kula kacay.
Dhinca kale Xulka Wadanka Sudan oo ciyaaraahan martigaliyay, maali galintiisana uu bixinayo Madaxweynahay Wadankaaas Cumar Xasan Al-bashiir ayaa laga qaaday dhibcihii guushii ay ka gaareen xulka Tanzania oo ay 3-0 uga adkaadeen kaddib markii lagu helay in ay safeen ciyaartooy da’oodu ka weyn tahay 17-sano jir, waxaana sidaas shaaca ka qaaday xoghayaha guud ee xiriirka CECAFA Nic Musonye, wuxuuna sheegay in xul kasta oo lagu helo inuu la yimid ciyaartooy ka weyn 17-sano sidaas oo kale loo ganaaxi doono.
Xulka Wadanka Masar oo lagu marti qaaday ka qeyb galka ciyaarahaan ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka dhaga adeygay in ay Khartoum yimaadaan, sababta ma sheegin, waxaan qeybta C ay la ciyaari lahaayeen xulalka Rwanda, Burundi iyo Eritrea, waana xulkii labaad oo diiday in ay yimaadaan ciyaarahaan da’yarta CECAFA,
Natiijooyinkii kulamada 1-aad ee guruubyada.
|
DATE |
M. No |
TEAMS |
Gr. |
VENUE |
TIME |
|
19-08-09 |
1 |
Ethiopia Vs Uganda 0-4 |
B |
JUBA |
4:30pm |
|
20-08-09 |
2 |
Kenya Vs Zanzibar 1-3 |
B |
JUBA |
4.30pm |
|
20-08-09 |
3 |
Somalia Vs Malawi 1-3 |
A |
USRA |
8.00pm |
|
20-08-09 |
4 |
Sudan Vs Tanzania 0-3 |
A |
BASHIR |
8.00pm |
|
20-08-09 |
5 |
Rwanda Vs Eritrea 0-0 |
C |
MED |
8.00pm |
Kulamada Habeen dambe
|
22-08-09 |
6 |
Zanzibar Vs Ethiopia |
B |
JUBA |
2.30pm |
|
22-08-09 |
7 |
Uganda Vs Kenya |
B |
JUBA |
4.30pm |
|
22-08-09 |
8 |
Malawi Vs Tanzania |
A |
Khar |
5.00pm |
|
22-08-09 |
9 |
Somalia Vs Sudan |
A |
Khar |
9.30pm |
|
22-08-09 |
10 |
Eritrea Vs Burundi |
C |
MED |
9.30pm |
Faarax Blue
fmcblue@hotmail.com