|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Tartankii K/cagta Da’yarta Soomaalida Kenya oo la soo gaba-gabeeyay (DAAWO SAWIRADA)

Waxaa galabta magaaladda Nairobi ee wadanka Kenay lagu soo gaba-gabeeyay tartanka K/cagta  ah oo ay ka soo qeyb galeen 12-kood oo Somalia ah oo ka kala yimid daafaha magaaladda Nairobi, waxaana tartankaas ka qeyb qaadanayay ciyaartooyda da’doodu dhexeyso 6-12-sano jir.

Ciyaarahaas oo aad u xiiso badnaa waxaa  qaban qaabadooda iska kaashaday Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta (SFF) iyo  Ururuka Soomaaliyeed ee Hormarinya Ciyaaraha iyo  Nabadda  ee Sports, Peace and Development (SPADE) ee ka dhisan wadanka Kenya, waxaana galabta ciyaartii Finalka ee tartabkaas  dhex martay kooxaha Muscab IYO kooxda  Jam Boys, waxaana 2-1 koobka ku qaaday kooxda Muscab

 

Ciyaarahaan oo ahaa kuwa daawashaooda ay ka soo qeyb galeen boqolaal Soomaalida reer Kenya ah  maadaama aysan weli aysan dhici in tartan nuucaan oo kale ah  ayaa waxaa abaal marinno  la guddoonsiiyay dhowr ciyaaryahan oo ah ka mid yihiiin ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa iyo ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartankan oo socday muddo sadex asbuuc ah Kana socday garoonka Juuja Stadium.

 

Xafladdii xiritaanka ee galabta ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen CaliSaciid Maxamed Axmed oo wakiil ka ahaa Xiriirka soomaaliyeed ee K/cagta, Cismaan Jaamac Diraac oo ururka garsooyaasha Soomaaliyeed ah iyo Abuukar Maxamed sheikh oo ah madaxa kooxda  K/cagta ee  Banaadir Telecom, iyadoo  abaal marinada guddoonsiiyay kooxaha kaalmaha 1-aad iyo 2-aad iyo dhow ciyaareyahan oo tartanka ka il qabad ka lahaa iyo weliba garsorihii dhex dhexaadinayay ciyaartii Final-ka.

 

Faa’iidada ciyaarahan ayaa waxay tahay in carruurta soomaaliyee ku nool wadanka Kenay oo ka soo barakacy wadankii lagu dhiiro galiyo Sports, gaar ahaan ciyaaraha K/cagta, iyadoo lagala dagaalamayo waxyaabaha xun xun ee muqaadaraadku ugu horeeyo.

 

 

SFF iyo SPDE ayaa sheegay in ay diyaarinayaan qorshayaal tababar loogu sameynayo ciyaartooyda da’da yar ee ku soo qaxay wadanka Kenya, iyagoo hadda ku mashquulsan sidii ay tartamo ugu soo qaban lahaayeen dhalinyarada ku jirta xeryaha qaxootiga ee xuduuda Somalia iyo Kenya.

 1DSC01779.JPG

1DSC01777.JPG

1DSC01735.JPG

1DSC01750.JPG

1DSC01789.JPG

1DSC01787.JPG

1DSC01792.JPG

1DSC01768.JPG

 

Faarax Blue

Nairobi, Kenya.

fmcblue@hotmail.com

 

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 8/15/2009
Number of Views: 820

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use