Daniel oo ahaa difaaca dhexe ee kooxda ayaa xanuun wadnaha ah ka sheeganayay maalmihii la soo dhaafay, isagoo sidaas oo kale shalay diiday inuu tababarka la qaato kooxda oo ciyaaro saaxiibtinimo u joogta wadanka Talyaaniga.
Geerida ciyaaryahankan ayaa noqoneysa mid cabsi ku abuureysa ciyaartooyda wadnkaas ka ciyaarta, iyadoo laba sano ka hor uu wadno xanuun garoonka dhexdiisa ugu geeriyooday Antonio Puerta oo safan jiray koxoda Sevilla.
Daniel muddo bil ah ayuu ahaa kabtanka kooxdiisa.