Xafladii isku aadka lagu sameeyay oo ka dhacdday xarunta shirarka caalamiga ah ee magaaladda Abuja ayaa waxaa qeybta dhimashada ee “Group Of Death” isku beegmay xulalka Nigeria, Germany, Argentina iyo Honduras, waxana xulka qaranka Under 17-ka Nigeria oo koobka difaacanaya diyaar garoowgooda ka mid noqonaya ciyaarahah 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFa oo dhawaan lagu casuumay oo ka dhacaya wadanka Sudan oo ay isku qeyb yihiin xulalka Somalia, Sudan iyo Tanzania,
Guddoomiye ku xigeenka xiriirka K/cagta FIFA Jack Warner oo goob joog ka ahaa xafladda sameynta isku aadka ciyaarahaas ayaa sheegay in natiijooyin fiican laga filan karo koobkan, ayna FIFA fileyso in ciyaartooy badan oo heer calami u qalmaahi ay ka soo bixi doonaan.
Koobkan oo la ciyaari doono inta u dhexeysa 24-ka October ilaa 15-ka November Dhammaan isku aadyada ciyaarahaasna waa sedan:-
Group A : Nigeria, Germany, Honduras, Argentina
Group B : Brazil, Japan, Mexico, Switzerland
Group C : Iran, Gambia, Colombia, Netherlands
Group D : Turkey, Burkina Faso, Costa Rica, New Zealand
Group E : UAE, Malawi, Spain, USA
Group F : Uruguay, Korea Republic, Algeria, Italy
Farah Blue