Nemanja Vidic oo seegayo kulanka darbiga ah ay wada yelanayaan kooxda man untd iyo cheslea.
Dafaca kooxda Manchester united Nemanja Vidic ayaa la shaaciyey in uu ka qayb galo doonin kulanka darbiga ah oo ah Koobka loo dhigo Sanad walba nadiyaasha ku guulaysya Horyaalka Wadanka Ingariiska Premier League iyo Koobka Boqortooyada Wadanka Ingariiska ee FA CUP waxaana Koobkaasi Loogu Magac Daray Community Shield.
Labadani Naadi ayaa kala Hantay labada Koob Sanadkan Gudiihsa Kooxda Man untd oo ku gulaysatay Horyaalka Ingariiska iyo kooxda Cheslea oo Hanatay Koobka sida Wayn Looga Ixtiraamo Wadanka ingariiska ee FA cup ,Waxaana koobkani Community Shield noqonayaa mid ay kuwada tartamaan Labadi Naadi ee Chelsea vs Man untd.
Laacibka reer Serbia Nemanja Vidic ayaa haatan soo gaaray dhaawac aad u daran kadib markii la shaaciyey in uu dhawaciisu qaadanayo bilooyin taasina waxa ay caqabad ku noqonaysaa Kooxda Manchester unted iyadoo ay soo dhawdahay koobka horyaalka ingariiska Premier League Diyaar garow aad u wayn ay wada galeen nadiyaasha Heerka kowaad ee wadanka ingariiska , waxa uu u haa laacibkan Nemanja Vidic Kooxda Manchester united laf dhabar.
Koobkan Community Shield oo Caawa la Ciyaari doono maahan markii ugu horeesay ay Wada yeeshaan labani kooxood sanadi hore ayey isago soo horyimadeen koobkan Community Shield waxaana hanatay Koobkaasi sanadkii 2007/2008 kooxda ka dhisan Garoonka Oll tarafolt ee Manchester united, iyadoo oo ay ku kala baxeen gool kulaadyo loo dhigay Labada kooxood.
Tababaraha naadiga kubada cagta man untd Sir Alex Faregson ayaa sheegay in uu aad ugu xumaaday dhaawacii soo gaaray Laacibka dafaca Vidic, waxuuna carabka ku dhuftay in qaabka ay hada u ciyaarto kooxda Manchester united in uu ka badli doono .
Isku soo wada duub dhaawac soo gaaray dafaca kooxda man untd ee Nemanja Vidic ayaa wali la shaacin in uu ka maqnaan doono garoomada caalamka .
C/qaadir saciid cali (gaanni).
Gaani18@hotmail.com.
Cayaaraha.com
Written By: faaraxblue
Date Posted: 8/7/2009
Number of Views: 482
Return