|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Kooxda kubada cagta ee ac milana waxa ay si rasmi ah u hanatay xiddiga reer holand ee Huntelaar

Gudoomiye ku xigeenka kooxda ac milana Adriano galyani ayaa cadeeyey in ay soo af jareen dadaalkii ay u galeen sida ay u iibsan lahayd kooxda ac milana laacibka Huntelaar Waxayna kooxda ac milana kula soo wareegtay aduun lacageed gaaraya 15malyuun euro.

Taasina waxaa meesha ka baxday qorshiihii ay ku donaysay kooxda real Madrid laacibkan Huntelaar oo ahaa in ay ku iibiso 20malyuun euro.
Waxuuna kaloo sheegay gudoomiye ku xigeenka kooxda ac milana in laacibkan wax wayn uu qaban doono kooxda ac milana waxuuna arintaasi ku macneeyey in kooxda haatan  ay baahnayd xiddiga buxin  lahaa  laacibkii reer brazil Ricardo kaka ee ka hayaamay kooxda ac milana.
Xiddiga Huntelaar waxa uu ku biiray wadan cusob nolol cusob iyo garoon cusob sidaa waxaa saxaafada sportska falanqeeya u sheegay ninka suuqa kala iibka u soo iibiya kooxda kubada cagta ac milana.

 
Kooxda boqortooyada ka dhisan ee real Madrid ayaa hatan diyaar u ah in ay iibiso xidigyo fara badan oo uu ka mid yahay laacibka Huntelaar, si ay qarashka farah badan oo ay mushaar ahaan u qadanayaan laacibiinta ku sugan kooxda ay u yarayso, waxaana taasi ay tahay qorshaha ay ku hoolan tahay kooxda real Madrid .
Sidoo kale Kooxda real Madrid ayaa sanadkan oo kaliyah waxa ay qarash garaysay oo ay lacabin fara badan ku soo iib satay in ka badan lacago 200 kun euro.
Laacibka Klaas-Jan Huntelaar waxa uu la galay kooxda ac milana hashiis 4sano in uu ku sugnaado garoonka san siro , wallow ay kooxda ac milana ay hatan ku howlan tahay qaabka uu ala qabsan lahaa laacinkan kooxda ac Milana iyadoo oo ay soo dhaw dahay horyaalka laga ciyaaro wadanka talyaaniga ITELIA SERIA A.


Written By: faaraxblue
Date Posted: 8/7/2009
Number of Views: 460

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use