|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Kooxda Banaadir Telecom oo isku diyaarineysa kulanka adag ee ay la yeelaneyso KCC

Kooxda K/cagta ee Banaadir Telecom oo heysta horyaalka SOmalia ayaa isku diyaarineysa kulankeeda ugu dambeeya ee qeybta B, waxaana kulankaas oo ah mid aad muhiim ugu ah kooxdeena ay la yeelan doona koxoda horyaalka wadanka Uganda ee KCC, waxaana ciyaartaas maqribkii ay ka dhici doontaa garoonka KHartoum Stadium ee magaaladda Khartoum.

Labadii ciyaarood ee hore waxay kooxdu la soo kala ciyaartay Kooxaha Prisons ee wadanka Tanzania iyo kooxda TP Mazmbe ee wadanka Congo, waxaana bar bar dhac 2-2 ay la gasahay kooxda Prisons, halka kooxda Mazembe ay 8-1 ku dhifatay kooxdeena Banaadir, hase ahaatee markii aan shalay ilaa maanta  eegayay is diyaarinta iyo niyad wanaaga ciyaartooyda waxaa ka muuqatay in kulanka maanta ay sadex dhibcood ka soo qaadan doonaan kooxda wadanka Uganda ee KCC.

Ba.jpg

Ciyaartooyda koxoda Banaadir oo salaamaa dhigooda Tp Mazembe iyo xeer ilaaliyaha ciyaarta oo eegaya.

Haddii Kooxda horyaalka SOmalia ee Banaadir Telecom ay galabta ka soo adkaago KKC Uganda waxay si rasmi ah ugu soo gudbi doontaa wareega 2-aad ee koobka kooxaha CECAFA ee sanadkan ay marti galisay kooxda El-mariikh wadanka Sudan, waayo waxay ku soo bixi doontaa kaalinta 3-aad ee qeyta B.

Guuldaradii Jimcihii oo aheyd mid naxdin ayaa timid markii uu kooxda dhaawac ahaana uga maqnaa difaacooda birta ah ee Anwar oo ku dhaawacmay ciyaartiii bareejada aheyd ee kooxda Prison, waxaana sidaaas si la mid ah kooxda ka xanuunsanaa khadkooda dhexe ee adag Siciidoow oo kasoo baxyo ay hareeyeen jirkiisa, iyadoo intaas ay dheeri ku sii aheyd xanuun madaxa ah oo uu shaqaada ka qaban waayay Tababaraha kooxda Cali Absuge (Cali Buu).

baaaaa.jpg

Bashiir Geesey iyo Macallin Jabshe oo ciyaartooyda niayda u dhisaya markii garoonka ka soo baxayeen

Kooxda TP Mazembe oo 8-1 uga adkaatay kooxda horyaalka SOmalia ee Banaadir ayaa ah kooxda ugu dhaqaalaha badan wadanka Congo, waxayna horraantii sanadkan tababar xoog leh ciyaartooydeeda ku soo sameeyeen wadanka France, maadaama uu kooxda leyliyo tababare u dhashay wadankaas France oo la yiraahdo Diego Gorzitto, waxaana kooxdaaas la aas-aaday sanadkii 1938.

Madaxa kooxda Banaadir Telecom Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in aan is  bar bardhig lagu sameyn karin kooxaha ka yimaada wadamada nabada ah iyo kooxda Somalia, waayo wuxuu yiri "sida aad la wada socotaan wadankeenu maanta nabad maahan, ma jirto garoon ciyaartooydu ay iskugu diyaarin karaan, degmo iyo magaalo kasta maanta waa qasan tahay, mana jiraan goobo lagu diyaarin karo ciyaartooda heer qaran iyo kooxdeen intaba"

Jeebkeena ayaana wax kasta ka debernaa, ma jirto cid aan ka helno waacimaad, arrinta ugu horeeya ee aan qarasha iyo waqtiga kooxda ugu galineynaahi waxay tahay in aan calankeena  Somalia laga weyn garoomada ay iyo goobaha ay iskugu imaanayaan wadamada bariga iyo bartamaha africa" ayuu sii daba dhigay Abuukar.

wixii ku soo kordha kulankaas waxaad kala socon doontaa bogan www.cayaaraha.com

Faarax Blue

Khartouum Sudan

Mobile +249908801319


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/5/2009
Number of Views: 626

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use