|    Register
 
Friday, July 30, 2010
Article Details
Kooxda Somalia ee Banaadir Telecom oo guuldarro ku habsatay, maxaase sababay?

Kooxda K/cagta ee Banaadir Telecom ee wadanka Somalia ayaa caawa guuldarro xanuun badani ku habsatay, kaddib ciyaar xiiso badneyd oo ay la yeelatay dhigeed wadanka Congo ee TP Mazembe, waxaana ciyaartaas kooxdeena looga adkaatay  1-8 gool.

Sababaha guuldarada keentay ayaa aheyd in kooxdu ay weysay difaaceeda adag ee Anwar Sadaad Ibraahi  oo Arbacadii ka jabay kalxantay iyo sidas oo kale xanuun qandho ah oo sababay inuu inuu garoonka soo gali waayo khadka dhexe ee kooxda Siciidoow, kaddib markii laba ka-soobax ay ka soo dhasheen lugta midig iyo cagacanta midig, iyo sidaas oo kale madaxa xanuun soo weeraray tababaraha kooxda Calu Buu oo labadii maalmood ee la soo dhaafay madax laga hayay.

Sidaas oo kale xaraarada wadanka Suudaan ayaa meyd mid aad u kulul, xilligii ciyaartooydu ay garoonka ku jireen wuxuu kuleylka wadankan Sudan ahaa 37.

goolka qura ee kooxda Banaadir Telecom oo ahaa mid bar bar dhac ay waxaa u dhaliyay ciyaaryahankooda Muuse Maxamed oo u dhashay wadanka Kenya, waxaan ciyaartaas oo ay ka soo qeyb galeen kumanaan taageerayaal Somali ah ay aheyd mid la fileynin natiijadaas.

warbixin dheeraad ah iyo sawirada ciyaartaas, la soco goor dhow.

Faarax Blue

Khartuum Sudan.

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 7/3/2009
Number of Views: 615

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use