|    Register
 
Friday, September 03, 2010
Article Details
Warbixin iyo sawirro ku saabsan kooxda Somalia ee Banaidir Telecom oo isku diyaarisay ciyaaraha CECA

Kooxda K/cagta ee Banadir Telelcom ayaa ku jirta dadaalkii ugu dambeeyay ee isku diyaarita ciyaaraha koobka 35-aad ee kooxaha horyaaladda bariga iyo bartamaha Africa  ee CECAFA oo galabta si rasmi ah uga furnaya magaaladda Khartuum ee wadanka Sudan, waxaana tartankan oo aad u xiiso badan ay kooxdeena Somalia berri galab la ciyaari doontaa kooxda Prisons ee wadanka Tanzania.

Xiriirka K/cagta ee CECAFA ayaa sheegay in tartankan ay ugu duceynayaan wadanka Somalia, waxaan xoghayaa guud ee CECAFA Nicolas Musonyo ee u dhashay wadanka Kenya uu sheegay in gobolka ay dani ugu jirto nabad ka dhalata wadanka Somalia, wuxuuna sheegay in xulka ama kooxaha Somalia aysan weligood ka habsaamin dhaq dhaqaaqa ciyaaraha CECAFA, sida uu sheegayna waa wadanka kaliya ee ku ammaanan guusha nuucaas ah ee ah in mar kasga calanka Somalia uu ka dhex muuqdo garoomada Bariga iyo Bartamaha Africa.

5.Banadir.jpg

Midig Xoghaye Musonyo iyo Guddoomiyaha CECAFA Tena oo shir guddoominaya kulaknii maanta

 

Xiriirka K/cagta, guddiga qaban qaabada ee marti galinta ciyaaraha  iyo dhammaan kooxaha koobka ka qeyb qaadanayaa tartanka  ayaa shirkii ugu horeeyay ku yeeshay Hotelka Palace ee koofurta magaalada Khartuum, waxaana shirkaas la isku weydaarsaday fikiro, iyadoo dhinaca kale kooxaha loo aqriyay qodobada sharicga ah ee lagu maamulayo koobka, waxaana xiriirka K/cagta ee CECACA ay sheegeen in kooxdii koobka ku guuleysataahi ay heli doonto 50-kun oo dollar, kaalainta 2-aad 30-kun, iyo kaalinta sadexaad oo heli doonta 20-kun, laakaiin haddii kooxda TP Mazemba oo ka socota wadanka Congo ay ciyaarta finalka ah badiso, ma heli doonto koobka, kaliya waxay qaaadan doontaa lacagta abaal marinta ah, koobna waxaa qaadan doona kooxda kaalina 2-aad, waayo wadanka Congo kama mid ahan wadamada bariga iyo bartamaha Africa, marti ayayna ku yihiin tartanka kooxdaas.

 

3[1].bANADIR.JPG 

Tababaraha kooxda Cali Buu iyo Kabtan Maxamed Yare

Tababaraha kooxda Banaadir Cali Maxamed Absuge (Cali Buu) ayaa ii sheegay in kooxdiisu ay leedahay awood xoog leh, maadaama ay hadda ciyaartooydsiisu ay la qabsadeen cimilada aadka u kulul ee jirta wadanka Sudan wuxu yiri “waxaan filayaa in sanadkan ay kooxdu ka awood badan tahay sanadihii hore, waayo tababar adag ayay sameeyeen ciyaartooydu, waana is fahansanyihiin hada, sidaas oo kale maadaama ay kooxda ka tirsan yihiin ilaaa shan ciyaaryahan oo Kenyan ah waxaan dareemayaaa niyada wanaag ah in ay iska celin karaan dhigooda Africa”

 

Kabtanka kooxda Maxamed Isaaq (Maxamed yare) ayaa isna ii sheegay in isbiiridka kooxdiisa ay wanaagsan tahay, “Wax badan oo qaladaad ah oo hore u dhici jiray ayaan hadda xallinay, sidaas daraadeed waxaan soo bandhigi doonaa ciyaar ay ku raaxeystaa taageerashaada caalmaka naga daawan doona, waxaana u xaqiijinayaaa  kooxdu ay la imaan doonto ciyaar aan lagu caajisin”

 

Masuulka hoggaaminaya kooxda Banadir Abuukar Maxamed Sheekh ayaa isna sheegay in maalainta Xorriyada Somalia aawadeed ay kooxdiisu ummaada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogoto kula ciidi doonaan farxad, ayna 1-da luuliyo dhagta dhiiga u dari doonaan dhiggooda wadanka Tanzania ee Prisons maalinta berri ah, wuxuuna sidaas  oo kale ii sheegay in fikir ahaan uu aaminsanyahay in kooxda hadda uu wataahi ay noaqon karto mid guulo waaweyn u soo hoysa xiriirka SOomaaliyeed ee K/cagta iyo dhammaan ummaada SOmaaliyeed.

 10-Banair.jpg

Muuqaalka 5-ta ciyaaryahan ee Kenyanka ah oo kooxda u ciyaari doonta

Ciyaaraha oo galabta billaabanaya waxaa lagu furi doonaa koxoaha Mathara ee wadanka Kenya iyo Kooxda wadanka Djibouti ee Kartileh, waxaana Goolyaha kooxda Djibouti C/raxmaan Yuusuf  Dhaceyte uu ii sheegay in kulankan oo ah mid xiiso gooni ah u leh maadaama tartanka lagu furayo ciyaartooyda uu  sheegay in ay rajeynayaan in ay ka badiyaan kooxda reer Kenya  “Sida aad la socoto meeshan uma aynaan imaan in nalaka badiyo, sidaas daraadeed madaama nasiibku uu gooni yahay, hadana waxaan ku dagaalami doonaa kubbada si aan u helno natiijo wax ku ool ah”

 

Kooxda Banadir oo  ku jirta qeybta C, waxay ciyaaratooyda ugu horeysa maalinta berri ah garoonka Khartoum Stadiom kula yeelan doontaa kooxda Prison ee wadanka Tanzania, waxaana la filayaa in ku dhawaaad 5-kun oo taageerayaal Somali ay oo u badan ardayda halkan wax ka bartaahi ay ka soo qeyb galayaan daawashada ciyaartaas oo ku began maalinta calka,

 8[1].BANADIR.JPG

9[1].BANADIR.JPGSida ay xaqiijiyeen guddiga qaban qaabada ee ciyaaraha ayaaa Xaqiijiyay in kulamada ciyaarahan ay dhammaantood Live ama si toos ah looga daawan doono TV-ga wadanka Sudan ee ka soo gala Carabsiteka, waxaana tartankan oo dhammaan kharsha ku baxaya ay bixineyso kooxda ElMariikh ee wadanka Sudan.

 

Warbixinda iyo Sawirada ciyaarahaas waxaada kala socon doontaa bogan www.cayaaraha.com  haddii Ilaahey idmo.

6.banadir.jpg

Madaxa kooxda Banaadir Abuukar, guddoomiyaha CECAFA Tenga iyo xoghaye Musonye.

 

 

2.banadir.jpg

qaar ka mid ah ciyaartooyda kooxda oo aqrisanaya wararka boga cayaaraha.com

4.Banadir.jpg

Kabtan Maxamed Yare iyo guddoomiye Abuukar oo ka qeyb qaadanaya shirka kooxaha CECAFA

 

Wararka la xariira:

 

Kooxda Banaadir oo Sudan gaartay

kooxda Banaadir oo tababarkii ugu damb....

 

Partners:

 

                 header_bg_cay.jpg           logo.jpg

 

 

 

Farah Blue.jpg

Faarax Blue

Khatoum-SUdan

Mobile +249908801319

fmcblue@hotmail.com

 

 

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 6/30/2009
Number of Views: 961

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use