|    Register
 
Friday, March 12, 2010
Article Details
Kooxda K/Cagta Sandiego oo ku guulaysatay koobkii xoriyadda Jabuuti.

Kooxda kubadda cagta ee  gobolka Sandiego ayaa iyagu 2 iyo  1 ku suul daartay kooxda kubadda cagta ee Dallas, ka dib markii ay isku haleeleen  tartankii  cayaaraha kubadda cagta ee loogu magac daray Somali/America indepence days tournament.

Labadan kooxood oo iyagu ku jiray grupka A, ayaa misna waxaa ay u tartamayeen hanashada koobka tartanka ka sokow, koob lagu maamuusayay munaasabadda maalinta xuriyadda Jabuuti oo ku beegnayd 06/27/2009.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa C/kariim oo isagu badal ku soo galay kooxda Sandiego uu wax wayn ka badalay, waxaana ay kooxda billowday inay qaado weeraro faro badan oo goolal loo fishay, hase yeeshee ay khasaariyeen, Balse daqiiqaddii 34 aad ee galinkii hore ayaa ciyaaryahan C/kariim oo galabtaasi ahaa xiddiggii garoonka waxaa uu kooxdiisa u dhaliyay gool aad u qurux badan ,waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 1 & 0.

Qaybtii labaad ayay cayaaryahannada Dallas  si fiica jaanta iskula heleen oo ay u suura gashay cayaaryahankii lambarka  18aad u watay Maxamed Turki  inuu u dhaliyo goolkii barbardhaca oo cayaartii ay noqoto 1 & 1. Hase yeeshee kooxda Dallas waa ay xajisan wayday goolkoodii barbardhaca ahaa, waxaana u suuro gashay cayaaryahan Cabdifataax Axmed  oo lambarka 15aad u watay kooxda Sandiego  inuu kooxdiisa u dhaliyo goolkii guusha oo cayaartiina ay ku soo gabagabowday  2 gool oo ay guushii ku raacday kooxda Sandiego, halka kooxda Dallas ay ka keensadeen 1 gool.

Kooxda Sandiego waxaa macallin u ahaa Aweys Eider oo ka tirsanaa cayaaryahannadii kubadda cagta heerka 1aad ee naadigii Horseed, halka kooxda Dallas uu watay cayaaryahankii caanka ahaa ee gobolka jubadda Hoose Cumar Faruur.

Munaasabaddaasi  koobka lagu guddoonsiinayay kooxda Sandiego ayaa waxaa goob joogayaal ka ahaa rag isboortiga magac iyo maamuus ku lahaa oo ay ka mid ahaayeen: Macallin Qariindi oo isagu ahaa tababarihii kooxda kubadda cagta ee  gobolka Kismaayo oo isagu kooxdiisa jubbada hoose ay 7 jeer ku guulaysteen cayaarihii gobolada ee dalkeena Soomaaliya, Garsoore Qolof oo   ka mid ahaa garsoorayaashii caalamiga ahaa ee dalkeena Soomaaliya, ahaana  garsoore heer caalami FIFA,iyo Cabdi Cali Macallin  oo ka mid ahaa halgamayaashii Isboortiga ahna Guddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota.

Sidoo kale waxaa halkaasi joogay cayaaryahannadii kubadda Cagta iyo  heerka qaran iyo   heerka 1aad ee naadiyadaii dalkeena  Soomaaliya.

Macallin Qariindi,Garsoore Qolof iyo guddoomiyaha Isboortiga Cabdi Cali oo iyagu madashaasi erayo gaaban  ka soo jeediyay ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Sandiego guushaasi ay gaareen, iyo Dadaalka weyn oo ay muujiyeen kooxda Dallas in kasta oo laga adkaaday. Waxaana ay kula dardaarmeen in dadaalkooda ay halkaasi ka sii wadaan.

Cayaartii 2aad waxaa isku haleelay kooxaha Cedar Stars iyo Saint Cloud oo labaduba ka tirsan kooxaha ka dhisan Minnesota, waxaa 4 iyo 1 ay guushii ku raacday kooxda Cedar Stars oo galabtaasi soo bandhigtay cayaar aad u xiiso badnayd oo raalli galisay dadkii u soo daawashda tagay.

 


Written By: Mohamud
Date Posted: 6/29/2009
Number of Views: 263

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use