Madaxweynaha South Africa Jacop Suma iyo gudddoomiyaha xiriirka K/cagta adduunka Joseph Blatter ayaa si wada jir ah koobka u guddoonsiiyay kabtanka xulka Brazil Lucio, kaddib markii ciyaartu ay ku soo idlaatay 3-2, waxaxaana ciyaarta oo qeybtii hore xulka Mareykanku uu maamulayay lagu kala nastay 2-0 oo Mareykanku lahaa, hase ahaatee markii dib loogu soo laabtay garoonka ayaa tababaraha wadanka Brazil Dunga wuxuu sameeyay bedello heer sare ah oo ciyaarta wax weyn ka bedelay iyagoo la yimid 3 gool oo guul ah.
Laba gool ee uu dhaliyay L. Fabiano iyo goolka guusha ee Lucio ayaa xaqiijiyay guusha wadanka Brazil, kaddib markii ay kansaleen 2-dii gool ee ay kala dhaliyeen xidigaha mareykanka C. Dempsey iyo London Donavon , waxaana mar wax laga weydiiyay tababaraha wadanka Mareykanka Bob Bradley dib soo dagaallaankii Braizl uu yiri “runtii guuldarada Brazil ay na dul dhigtay waa na dhaawacday, hase ahaatee cashar ayaan ka barayan, dhammaan dadweynaha adduunka ku nool oo idilna waa arkeen in aan nahay xul wanaasan”
Dhigiiisa wadanka Brazil Dunga isna yiri “in kasta oo 2-0 si looga kabsadaahi ay adag tahay mar kasta, haddana ciyaartooyda xulkeyga ma aysan niyad jabin, mar kasta waa la socdeen in guul darro aysan ku dhici doonin, waayo 29-maalmood ayay si rasmi ah u wada tababaranayeen, waana noo farxad in aan koobka dib ugu celinaa wadanka Brazil”
Macluumaad dheeri ah
US: Howard, Spector, DeMerit, Onyewu, Bocanegra, Dempsey, Clark (Casey 88), Feilhaber (Bornstein 75), Donovan, Davies, Altidore (Kljestan 75).
Subs Not Used: Guzan, Califf, Wynne, Pearce, Beasley, Adu, Torres, Bradley, Robles.
Booked: Bocanegra.
Goals: Dempsey 10, Donovan 27.
Brazil: Julio Cesar, Maicon, Lucio, Luisao, Andre Santos (Dani Alves 66), Ramires (Elano 67), Felipe Melo, Silva, Kaka, Luis Fabiano, Robinho.
Subs Not Used: Victor, Juan, Kleber, Miranda, Josue, Julio Baptista, Kleberson, Alexandre Pato, Nilmar, Gomes.
Booked: Felipe Melo, Andre Santos, Lucio.
Goals: Luis Fabiano 46, 74, Lucio 84.
Att: 62,000
Ref: Martin Hansson (Sweden).