|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Wasiirka Isboortiga oo eedeyn kulul u soo Jeediyay Shirkadda dhiseysa Garoonka Banaadir iy FIFA

Wasiirka dhallinyarada iyo  isboortiga Suleymaan Colaad Rooble  ayaa kashaanka ku dhuftay in ay ku fashilantay shirkadda haysata qandaraaska dhisidda garoonka Banaadir (Conis Stadium) isagoo sheegay in ay FIFA ay ku qaldanayd inay qandaraas siiso dad aan wax shaqo ah ku lahayn isboortiga.

“  Arinta garoonka  waa ay iska cakiran tahay  Shirkadda  qandaraaska lagu siiyay waa ay ku fashilantay wax ay ka qabateen ma jiraan , anaga waajib ayaa naga saaran wasaarad ahaan la socodkeeda iyo ilaalintiisa maxaa wacay waa hanti qaran  waxaana noo cadaatay in Company-ga dhisayay uu ku fashilmay garoonkana hadda wax shaqo ah kama socdaan  mar dhowna go`aan ayaan ka qaadan doonnaa arintaasi  dhinaca wasaaradda iyo xukuumadda waxa aan ka yeeli doono FIFA  waxaana ka hor sheegi doonaa Ra`iisul wasaaraha hortiisa “ sidaasna waxaa carabka ku adkeeyay Suleymaan Colaad Rooble Wasiirka isboortiga oo raaciyay inaysan jiran  xiriir  DFKMG-ah  waaxdeeda  isboortiga oo ay  FIFA la  leedahay.

Wasiirka Wasaaradda Isboortiga oo ka hadlayay warar  ku saabsan in  xiriirada qaar sheegayaan Dowladda inay ka madax banaan  yahiin  ayaa waxaa u ku gaabsaday in wararkaasi aysan ahayn wax  la qaadan karo maadaama waxa la adeegsanayo ay yahiin hantida Dowladda cidda sheegaynaysa inay madax banaan  tahay ay la tagto meel u gaar ah.

Wasiirka ayaa  ka hadlay arimaha dhanka Xiriirka Kubadda Cagta iyo howlaha  la xiriira wax qabad la`aanta xiriirkaasi isagoo sheegay in dhibka haatan taagan uu yahay iyadoo garoon lagu ciyaaro aysan jirin  iyo xiriirka oo arimahiisa ay ka taagan yahiin isqabqabsi  dhinaca  maamulkiisa   sare  wuxuu ku adkeystay in arintaas maalmaha soo socda  ay  xal kama danbays ah wasaaradiisu  ka gaari doonto.

Eedeyntan  wasiirka isboortiga ee  FIFA  iyo shirkadda Qandaraaska qabta  ayaa ku soo beegmaysa xilli garoonka Banaadir (Conis Stadium) la sheegay in la dayactirayo  iyadoo muddo farabadan ka  dib u muuqanaysa in aysan ka socon  wax dayactir  garoonkaasi , balse  ay u muuqato in burbur loogu  kordhiyay isla markaasina aan wax dayactir ah  ka socon  iyadoo FIFA ay qandaraas lacago  badan ku  bixisay dayactirka iyo quruxinta  garoonka Banaadir (Conis Stadium).

Xigasho: SMC


Written By: faaraxblue
Date Posted: 6/25/2009
Number of Views: 319

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use