|    Register
 
Monday, September 06, 2010
Article Details
Wasiirka Isboortiga Soomaaliya Saleebaan Colaad iyo Guddoomiyaha GOS Aadan Wiish oo u duulay Suudaan

Wasiirka Wasaaradda Sports-ka ee dowladda Midnimada qaran Saleebaan Colaad Rooble iyo Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Qaranka Mudane Aadan Xaaji Yabaroow Wiish iyo wafdi ay hogaaminayaan ayaa goordhaweyd ee maaanta ka duulay garoonka Diyaarahada ee Aadan Cade ee magaaladda Muqdisho, waxaana u ambabaxeen wadanka Suudaan, halkaas oo ay soo joogi doonaan muddo 7 cisho ah.

Wasiirka oo saxaafadda la hadlayay intii aysan diyaaradoodu kicin ayaa sheegay in ujeedada socdaalkooduuu yahay sidii loo xooshin lahaa xiriirka  Sports ee u dhexeeya labada dowladood ee Sudan iyo Somalia, wuxuuna ku celi celiyay in ay kala hadli doonaan sidii tababaro ay wasaaradda Sports Sudan iyo hey'adaha kale ee Sports ee wadankaas ay u tababrro caawimaad ugu fidin lahaayeen dhigood Somalia oo muddo badan bur bursanaa.

Wasiirka iyo Guddoomiye WIish ayaa waxay la kulmi doonaan Wasiirka Sports ee wadanka SUdaan  Maxamed Yuusuf C/llaahi, guddoomiyaha Guddiga Olombikada Suudaan Hashim Haruun Axmed, xoghayihiisa Dr. Maxamuud, El Sir Taha iyo weliba guddoomiyaha xiriirka K/cagta ee Sudan Shidada Kamal iyo xoghayihiisa Magdi Shamsudiin oo labaduba goob joog ka ahaa doorashadii xiriirka K/cagta Somalia ee 16-kii May 2006 ka dhacday magaaladda Baydhabo ee gobolka Bay ee wadanka Somalia.

Farah Blue

fmcblue@hotmail.com

 


Written By: faaraxblue
Date Posted: 6/14/2009
Number of Views: 255

Return
Copyright 2006 Nissit Ltd     |    Privacy Statement    |    Terms Of Use