Article Details

Dekedda oo ku guuleysatay horyaalka kubbadda Gacanta Soomaaliya

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 10/11/2016 | Views: 560
Naadia Kubadda Gacanta Dekedda ayaa ku guuleystay horyaalka kubadda Gacanta Wiilasha 2016-17.

 

Dekedda ayaa kulankeeda ugu dambeeya horyaalkagaroonka Wiish kula yeelayay kooxda Gaadiidka waxayna kag adkaatay 31-19.

 

Waa kulanki 10 ee ay Naadiga Dekedda ka ciyaartay horyaalka waxayna guuleysatay 9 kamid ah tobonkaas kulan waxayna sida ku aruursatay 27 dhibcood.

Dekedda ayaa sidaa ku xaqiijisay horyaalka kubada Gacanta Soomaaliya 2016-17 ee dhanka Wiilasha waana marki ugu horeysay oo ay koobkaas la hoyato.

 

Dhanka kale waxaa loolan adag oo ku aadan kaalinta labaad ee horyaalka uu dhex mari doonaa kooxaha Heegan iyo Horseed.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Gacanta ayaa shaaciyay in garoonka Wiish lagu qaban dooo munaasabd aar ah oo lagu bixin doono koobka horyaalka.

 

 

 

Print Bookmark and Share

Return to previous page