Article Details

Bashiir Jeenyo oo hambalyo u diray cayaartoyda iyo maamulka kooxda Jeenyo.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 2/11/2016 | Views: 467

Dib u aas aasihii kooxda Jeenyo FC horeyna uga mid ahaan jiray xiddigihii kooxdii faca waynayd ee Jeenyo (LLPP) iyo xulkii qaranka KC Soomaaliyeed Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) ayaa hambalyo ku aadan hanashada koobka jeneral Daa’uud u diray cayaartoyda, macalimiinta iyo maamulka kooxda Jeenyo FC. 

Bashiir Jeenyo oo aan la xariiry si aan wax uga waydiiyo dareenkiisa ku aadan hanashada koobkan 2016 ee kooxda Jeenyo FC oo uu asagu ahaa fikirkii ka dambeeyey in dib loo soo nooleeyo kooxdan faca wayn burburkii dalka ka dib ayaa ii sheegay in uusan qiyaasi karin dareenkiisa uuna aad ugu faraxsan yahay in kooxdu gaarto guulo isdaba joog ah muddo gaaban gudahood wuxuuna amaan aan la soo koobi karin u jeediyey maamulka iyo macalimiinta oo u hawl galay sidii ay kooxdu u hanaqaadi lahayd.

“Dareenkaygu aad ayuu u kacsanaa tan iyo axaddii markii aan ku guulaysanay koobkii Jeneral Daa’uud waxaana mahaddaas iska leh alle ka sokow cayaartoyda iyo macalimiinta kooxda oo muujiyey cayaar wanaag, aqlaaq wanaagsan iyo isku xirnaan dhinac kasta ah taasoo ah dhaqankii Jeenyadii hore oo la sii waday. Hambalyo ayaan u dirayaa dhamaan cayaartoyda, maamulka, taageerayaasha iyo macalimiinta kooxda ” ayuu yiri Bashiir Jeenyo oo u muuqday mid aad ugu faraxsanaa guusha koobka.


Waxaan waydiiyey xiddigii hore ee Jeenyo sida uu u arkay cayaartan kama dambaysta ah ee koobka Jeneraal Daa’uud ayaa yiri:

“Cayaartoyda Jeenyo waxa ay ka soo kabsadeen 2-0 lagu hogaaminayey ayagoo aan muujin qalqal iyo isku dhexyaac isla markaana aan niyad jebin balse dib isku habeeyey, adkaysi iyo dadaal ka dibna ka dhigay cayaartii 2-2, waqtigii dheerigaa ka dibna uu goolhaye Mustaf u badiyey cayaarta asagoo ka soo baxay kaalintiisii goolhayenimo ee laga filayey kulankan, marka waxaan oran karaa guushani waxay ahayd mid wadajir ah oo ay cayaartoydu gaareen waana ugu hambalyeynayaa”.

Xiddigii hore ee xulkii qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed Bashiir Jeenyo ayaa intaasi ku daray asagoo ku hadlaaya magaca cayaartoydii hore ee kooxdii Jeenyo (LLPP) in uu ku dhiirigelinayo cayaartoyda, macalimiinta, taageerayaasha iyo maamulka kooxda in ay dadaalka halkaasi ka sii wadaan ugana faaiidaystaan guushan in ay koobka Super Cup ka ee la filayo in ay isla kooxdii Banadir FC uga hortagaan usbuucan uga guulaystaan uuna u rajaynayo horumar iyo guulo badan oo dambe.

 

Print Bookmark and Share

Return to previous page