Article Details

Koobka Jeneral Daa’uud (Shalay iyo Maanta) iyo rajada bahda cayaaraha(Faalo)

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 31/10/2016 | Views: 576

Waxaa Axaddii aynu soo gudubnay ku soo gabagaboobay garoonka Banaadir ee magaalada Mogadishu tartankii kubadda cagta ee Jeneral Daa’uud oo ah tartan fac wayn isla markaana ka mid ah saddexda tartan ee ugu xiisaha iyo xamaasadda badan tartamada kubadda cagta dalkeena.

 

  


 Kulankii kama dambaysta ahaa oo ay ku looltameen kooxaha Banadir SC iyo Jeenyo FC ayaa waxaa daawashadeeda ka soo qaybgalay dadwayne aad uga tira badan kuwii sida caadiga ah u daawan jiray mudadii uu tartankani socday ama tartamadii kale ee ka horeeyeyba ayadoo dhinaca kalena ay baraha bulshada gaar ahaan Facebook si toos ah uga daawanayeen kumanaan Soomaali ah oo ku kala nool daafaha dunida.

 Hadaba koobkan Jeneral Daa’uud ee sanadkan 2016 wuxuu uga duwanaa koobabkii hore dhawr arimood oo aan jeclaystay in aan qoraalkan ku soo kobo kuwaasoo dhamaantood tilmaamaya horumarka kubadda cagta iyo qaabka loo maamulo intaba.

Kooxihii ku tartamay koobkan:

Ka hor burburkii dalka iyo dib u soo noolayntii kubadda cagta dagaaladii sokeeye ka dib waxaa tartanka kubadda cagta ee Jeneral Daa’uud ku tartami jiray kooxaha heerka koowaad oo kaliya maadaama ay isla kooxahaasi lahaayeen kooxaha heerka labaad ee dalka ka jiray taasoo ah nidaam aysan dunida inteeda badani istimaalin.

 Horumarka uu XSKC ka sameeyey nidaamka kooxaynta dalka ayaa waxaa ka mid ah in kooxaha dalku ay yihiin kuwa ku tartama horyaalada heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad isla markaana aysan qasab ahayn in kooxda doonaysa in ay tartamadaasi ka qaybgasho ay ka hoos dhisanto koox kale oo jirta balse ay si gooni ah u dhisnaan karto haddii ay dadaashana ka soo dhex bixi karto kooxaha kale ayadoo ka soo bilaabaysa heerka saddexaad, waxaana ay tartamada horyaalku dhamaan wadaagaan shaciga ah in labada kooxood oo ugu hooseeyana u dhacaan heerka ka hooseeya labada ugu saraysana u soo gudbaan heerka ka sareeya, nidaamkaasina waa kan ay ka siman yihiin dunida kubadda cagtu.

Sida ay isticmaalaan inta badan dalalka caalamku koobka koobabka oo u dhigma koobka Jeneral Daa’uud waxaa ku tartama kooxaha ka cayaaraya dhamaan horyaalada kala heerka ah ama kala gedisan sida A,B,C iwm ama 1,2,3, waxaana hadda uu XSKC la jaanqaadayaa xeerarkaas iyo nidaamkaas caalamiga ah maadaama ay kooxaha heerarka koowaad iyo labaad ee dalkeena oo tira ahaan dhan 16 kooxood ka qaybgaleen tartankan Jeneral Daa’uud oo ay kama dambaystii ku guulaysatay kooxda Jeenyo FC.

 Doorka warfaafinta

Waxaa cad isla markaana marag madoonta ah in warbaahinta dalka gaar ahaan kuwooda faafiya cayaaruhu ay u muuqdaan kuwa ayaguna la jaanqaadaya horumarka uu xiriirku ku samaynayo kubadda cagta dalka marka aad eegto tirada warbaahineed ee sida tooska ah u soo tabinaysay cayaarihii koobkan oo u badnaa kuwa ku cusub qaabka warbaahineed ee dalkeena ama sida joogtada ah oo ay warfidiyeenada qaarkood ugu heelan yihiin tebinta wararka muhiimka u ah cayaaraha dalka gaar ahaan kubadda cagta.

 Marka laga soo tago warbaahinta dhinaca baraha bulshada ah oo ay sida tooska ah bahwayntu kala socdeen kulamadan waxaa ayaguna jira warfidiyeeno ayagu aan marnaba ka caajisin baahinta kulamada cayaareed ee dalka ha ahaadaan kuwa jilicsan oo lagaba yaabo in xataa guddoomiyayaashii kooxahaasi aysan goobjoog ka ahayn daawashada kulankaas iska daa madaxda xiriirka iyo kooxaha kale ama kuwa adag sida kulankii kama dambaysta ahaa ee Banadir SC iyo Jeenyo kuwaasoo mudan in lagu abaalmariyo isla markaana lagu tixgeliyo hawlkarnimadaasi.

Xuseen Hadaafow waa weriye da’ yar oo ka hawl gala Goobjoog Radio run ahaantiina ah weriyaha ugu dadaalka badan ee aan kula kulmay mudadii aan joogay Mogadishu, aan ka maqnaan kulan kasta oo ka dhaca garoomada kala gedisan ee dalka, diyaariya qoraalo iyo barnaamijyo tayo badan leh ayna ku xiran yihiin dhagaysigooda tira badan oo ka mid ah bahwaynta cayaaraha dalku aanan ku tilmaami karo shaqsi kaalin wayn kaga jira horumarka sport ga dalka mudana in lagu abaalmariyo.

Abaalmarin Lacageed.

Dhawr maalmood ka hor waxaa ay warbaahinta dalka iyo dibaduba qorayeen in la kordhiyey lacagta lagu daawan doono kulanka kama dambaysta ah ayadoo lagu daawaday kulankan lacag dhan 20,000.00 halka kulamadii hore lagu daawan jiray 10,000.00, lacagtan oo u muuqata mid badan xaga tirada ayaa aad u yar dhinaca waxtarka, waxaase ay dad badan oo aan anigu ka mid ahay garwaaqsadeen sababta dhalisay lacag kordhintaan markii ay arkeen in kooxihii labada ahaa ee isugu soo haray kulanka kama dambaysta ah ay la hoydeen abaalmarino lacageed oo ayaga laftoodu dhinaca tirada xisaabta aad ugu badan balse dhinaca qiimaha aad u liita taasoo ay keentay dawlad la’aantii mudada dheer haysatay dalkeena in lacagteenu la mid noqoto ciidda.

Waa bilow aad u wanaagsan oo ku cusub saaxada cayaaraha dalkeena rajo badana ku abuuraya kooxaha iyo cayaartoyda dalka mar haddii qayb ka mid ah daqligii ka soo xarooday garoonka kaliya ee ay inta badan ka dhacaan cayaaruhu ay gaarto gacanta kooxaha kuwaasoo aan rajaynayno in ay ayaguna gaarsiin doonaan cayaartoyda ama ugu yaraan ugu qaban doonaan hawlo lagu horumarinayo kooxaha.

Bixinta koobka

Waxaa ahayd arin aad u soo jiitay indhahayga iyo kuwa dad badan oo ka mid ah bahwaynta cayaaraha qaabkii ay XSKC u maareeyeen bixinta biladihii iyo koobkii tartankan oo ah nidaamka ama qaabka ay biladaha u bixiyaan xiriirada kale iyo kuwa caalamiga ah intaba. Waxaa caada ka ahayd tartamada dalka oo ay ku jiraan kuwii ugu dambeeyey in madax siyaasadeed aan haba yaraatee wax yarna ku lahayn xoogii, maskaxdii iyo maalkii galay tartamadan ay u soo labistaan sidii ay u bixin lahaayeen koobabka isla markaana ugu faani lahaayeen loogana daawan lahaa aaladaha la iska arko.

Xafladdii lagu soo gunaanadayey tartankan ayaa ahayd mid aysan ka muuqan madax siyaasadeed iyo maamul gobol intaba waxaana aan wada daawanay madaxda XSKC oo ayagu bixinayey biladihii, abaalmarinadii lacageed iyo waliba koobkii lagu tartamayey oo ahaa mid aad u soo jiitay indhaha shacabka soomaaliyeed qaabkanina waa qaabka saxda ah marka la fiiriyo mudnaanta la siiyey ama ay isa siiyeen dadkii maalgeliyay, abaabulay isla markaana suurageliyay tartamadan oo ah kuwa ayagu mudan in ay abaalmariyaan kooxdii ama shaqsiyaadkii ku guulaystay mirihii ay abuureen.

 

Isku soo wada duuboo koobkii Jeneral Daa’uud ee dhamaaday waxa uu dhinaca wanaaga ugu ifiyey bulshada Soomaaliyeed hawsha wanaagsan ee ay XSK Cagtu wadaan sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen kubadda cagta dalkeena inkastoo ay wax badan oo harsani jiraan hadana waxaa muuqata rajo wanaagsan oo ah in dhabihii horumarka lagu socdo.

 

W/ Q: Maxamuud Ismaaciil

Editor-Cayaaraha

 

 
Print Bookmark and Share

Return to previous page