Article Details

Kubadda Gacanta: Dekedda oo dheeraysatay hogaanka horyaalka

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 27/10/2016 | Views: 456
Naadiga kubada Gacanta Dekedda ayaa sare u qaaday dhibcihii ay ku hogaamineysay hogaanka horyaalka kubada Gacanta Wiilasha 2016-17 markii ay garaacday kooxda Feero.

Dekedda ayaa kulan xiiso leh garoonka Wiish shalay galab kula qaadatay kooxda Feero waxaana kulanka ay laba koox soo bandhigeen ciyaar wanaagsan oo weerar iyo weerar celis ku dheehan waxaana qeybta hore lagu kala nastay 13-12.

Marki laysku soo laabtay Dekedda oo ku duuleysa xiddigaheedaSayid Cali Kuukaay , Axmed Daahir iyo Naani ayaa weeraro xoogan ku qaaday goosha kooxda  Feero waxaana u suura gashay in ay hogaanka la fogaadaan , iyadoo da'yarta feero kasoo kaban waayeen.

Ciyaarta ayaa ugu dambayn kusoo idlaatay 31-17 oo ay guusha ku raacday.

 

 

 

Print Bookmark and Share

Return to previous page