Article Details

Jeenyo oo soo gaartay finaalka koobka Jeneraal Daa'uud

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 27/10/2016 | Views: 248

Kooxda Jeenyop oo ayaa u soo gudbtay kama dambeysta koobka kubada cagta ee Jenerala Daa;uud kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxda Horseed.

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan xilli ay garoonka soo xaadireen taageraayaal badan oo qarasha gaaraya 20.sh cadceeda oo kulul usoo bixiyay si ay kooxdooda ugu sacabo tumaan waxaana garoonka ku badnaa taageerayaasha Jeenyo.

Jeenyo ayaa halka gool heshay daqiiqadi 18 ee ciyaarta waxaana si aan kuatalo gal ahayn isaga dhaliyay goolhayaha Horseed Viktoroo u dhashay dalak Kenya.

Horseed ayaa isku day ay goolka deenta isga soo gudeysosameysay wayna ka miro dhalin weysay , sidoo waxay Horseed ka faa'iideysan waysay Jeenyo calaamada casaanka uu ka qaatay Daa'uud C/laahi Tubaal oo qadka dhexe u ciyaara.

Jeenyo ayaa fiinaalka la ciyaari doonata kooxaha Heegan iyo Banaadir SC oo maanta ciyaaraya kulanka labaad ee Afar-dhamaadka tartanka.

 

 
Print Bookmark and Share

Return to previous page