Article Details

Cheslea oo garaacday Leicester City

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 15/10/2016 | Views: 230
Kooxda Chelsea ayaa 3-0 kag adkataay kooxda Liecester oo ay ku marti qaaday Garoonka Stamford Bridge ee bariga London.

 

 

 Kooxda Conte ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay  bilwoga hore kadib goolka  daqiiqadi 7-aad u dhaliyay  Diego Costa  oo baas ka helay  Nimanja Matic, waxaana isla qaybta hore gool  labaad  u dhaliyay  xiddiga No-10 Eden Hazard oo caawin ka helay    Pedro.

  Chelsea   ahaa qeybta labaad halkeeda kasii waday   weerarada  ay ku dooneyso goolal badisga waxayna ka faa'iideysatay kooxda Leciester oo 90 daqiiqo hal fursasd oo qura oo gool loo filan karo  sameysay waxaana gool saddexaad du dhaliyay laacibka Victor Moses oo caawin ka helay Nathaniel Chalobah.

 Claudio Ranieri  iyo kooxdiisa oo horyaalka daafacaneysa ayaa sidaa garoonka Stamfod bridge kala hoyday guudlaradii afaraad ee xilli ciyaareedkan kusoo gaarta  meel ka baxsan garoonkeeda.

 

Print Bookmark and Share

Return to previous page