Article Details

Soomaaliya oo guul kasoo hoysay tartanka Kubadda Gacanta IHF Chaleng Trophy +Sawirro

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 28/8/2016 | Views: 237
Xulka qaranka Kubada Gacanta Soomaaliya oo isggu jira Wiilal iyo gabdho ayaa kaalin wanaagsan kasoo galay tartanka kubadda Gacanta IHF Challenge Tr

 

Tartanka oo ay ka qeyb  galayeen  Wadamaada Soonka Shanaad  ee Bariga Afrika oo kala ah Soomaliya  Djabouti ,Ethiopia iyo Sudan ayaa bilowday 23 Bishan  agoosto waxaana lasoo gebagabeeyay 26 bishan.

Wiilasha  Soomaaliya ayaa afar kulan  ka c iyaaray tartanka, Kulanka koowad waxaa ka adkatay Djabouti o o tartanka marti gelineysay , Kulanka labaad waxay guul  ka gaareen  Sudan,  halka kulanka Saddexad ay guuldaro kala kulmeen EThiopia.

Wiilasha Soomaaliya ayaa  mar kale guul ka gaaray  Sudan kulanka loogu tartamayay  Billadda Marta ee tartanka, waxayna sidaa ku xaqiijiyeen  kaalinta saddexaad iyo Billaada maarta, halka kaalinta  koowaad ay heshay Ethiopia  Biladda Dahabka , Qalinka ay  ku guuleysteen Wiilasha Djabouti. Afaraadna ay ku dhammeysteen.

Dhanka Xulka Gabdhaha   waxay   guul ka heleen Sudan  laba jeer halka ay guuladaro kala kulmeen Djabouti iyo Ethiopia, waxaana tartanka dhanka Gabdhaha kaalinta koowad galay Ethiopia, labaad Djabouti  ,Saddexaad Soomaaliya, kaalinta afaraadna ay xaadireen Gabdhaha Sudan.

Dhanka kale Guddiga Tartanka ayaa  Soomaaliya ku ammaanay      ciyaar wanaagan, asluub wanaaga iyo  xagga garsoorka oo ay Billado kasoo hoyeen  kadib bandhigii wanaagsaa  waxayna guddiga Tartanka sidoo kale ku amaaneen qaabkii ay  tartanka ugu soo diyaargaroobeen iyo horumarka gubada gacanta Soomaaliya sameyneyso  waxayan sidoo kale noqdeen xulkii ugu labiska wacanaa waxana halkas lagu guddoonsiiyay abaalmarino  gaar ah.

Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliya Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow ayaa mahad celin balaaran  usoo jeediyay   Safaarada Soomaaliya ee Djabouti oo garab taagneyd inta uu tartanka socday Xiriirka kubadda  gacanta Djabouti iyo Dowladda Djabouti oo soo Dhaweyn iyo  walaaltinimo u muujiyay inta uu tartanka socday.

Guddoomiye Eenoow ayaa dhanka kale u mahad celinyay  macalimiinta,ciyaartodya Xulka qaranka iyo garsoorka  kubadda Gacanta Soomaaliya    Bandhigii wacnaa ee ay tartanka kasoo muujiyeen iyo asluubkii wanaagsanaa ee Soomaaliya lagu amaanay, waxuuna ka dalbaday in ay halkooda kasii adan xiriirkuna uu taageero joota la garab taagnaan doono.

Tartankan ayaa soo bilwoday 2004 waxayna soomaaliya marki ugu horeysay ka qeyb gashay 2009, waana sanadki lixaad oo ay ka qeybgasho.

Daawo Sawiradda:

IMG_1297 IMG_1301 IMG_1321 IMG_1322 IMG_1329 IMG_1340 IMG_1359 IMG_1383 IMG_1387 IMG_1393 IMG_1410 IMG_1411 IMG_1415 IMG_1420 IMG_1441 IMG_1467 IMG_1477 IMG_1492 IMG_1496 IMG_1531 IMG_1533 IMG_1534 IMG_1535 IMG_1540 IMG_1545 IMG_1546 IMG_1548 IMG_1552 IMG_1555 IMG_1562 IMG_1568 IMG_1570 IMG_1572

 
Print Bookmark and Share

Return to previous page