Article Details

Daawo Sawiradda: tartanka kubadda cagta maamul Gobolleedyada oo Muqdisho ka furmay

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 16/7/2016 | Views: 501

Waxaa shalay galab garoonka kubbada cagta Banaadir Stadium ee degmada Cabdi casiis ka furmay ciyaaraha  kubadda cagta  Maamul-goboleedyada dalka.

Waxaa galabta lagu daah furay garoonka kubbada cagta Banaadir Stadium ee degmada Cabdi casiis tartanka ciyaaraha goballadda waxaana Kulankii ugu horeeyay lagu daah furay marti geliyaha gobalka Banaadir iyo xulka kubabda cagta Maamulka kuunfur galbeed.

Furitaanka tartanka ciyaraah Goballadda waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud,Madaxweynaha maamulka kuun fuur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo sidoo kale xubno ka tirsan labadda gobal ee dowladda.

Kulankii ugu horeeyay waxaa lagu daah furay marti geliyaha tartanka  Goballka Banaadir iyo ciyaartooyda Maamulka Koonfur Galbeed ,labada gobal ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo ay u riyaaqeyn dad weynihii u soo daawaso tagay,balse ciyaarta ayaa waxa ay ku soo dhamaatay 5-0 oo ay guusha raacday wiilasha Xulka gobalka Banaadir,waxaana goolasha u dhaliyay Xidigaha kala ah Xasan Cabdullahi Sheikh (No.10),Liibaan Xasan Cusman Laaqi (No.7),Axmed Cabdiqaadir Shariif (No.16) iyo Maxamed Cusmaan Abuukar (No.11),Axmed Cabdi qaadir Shariif ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay oo labo gool ka dhaliyay bilaawga ciyaaraha gobaladda.

Si kastaba ciyaartoyda gobalka Banaadir ayaa 5-0 kaga adkaatay Xulka maamulka koonfur galbeeda,waxaana maanta  wada ciyaaridoono Hiiran iyo  Sh/Dhexe iyo Jubbaland .

Daawo Sawiradda:

IMG_9201 IMG_9202  IMG_9233 IMG_9287 IMG_9288 IMG_9300 IMG_9304 IMG_9307DSC09320DSC09321DSC09322DSC09326DSC09327DSC09329DSC09331DSC09332DSC09334DSC09335DSC09336DSC09337DSC09338DSC09339DSC09340DSC09342DSC09352DSC09353DSC09354DSC09359DSC09361DSC09366DSC09373DSC09375DSC09378DSC09387DSC09396

 
Print Bookmark and Share

Return to previous page