Article Details

Ugaas Abuukar Islow Xasan “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa walaalaha gartay in ay afuriyaan walaalahii

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 7/6/2016 | Views: 593

Ugaas Abuukar Islow Xasan oo ka mid ahaan jiray cayaartoydii kooxdii kubadda cagta Madbacadda qaranka isla markaana ka tirsan guddiga fulinta ee XSKC iyo GOS oo aan kula kulmay magaalada Mogadishu maalin ka hor bilaabashada bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa mahadcelin aan la soo koobi karin u jeediyey bahwaynta sport ga ee ayagu isku xilqaamay in ay sanadkii afaraad kaalmo soo gaarsiiyaan saaxiibadoodii dalka ku haray. 

 

Ugaas Abuukar oo dhinaca kale ka mid ah oday dhaqameedyada Soomaaliyeed kuwooda ugu firfircoon uguna da’da yar ayaa wax aad loogu riyaaqo ku tilmaamay in cayaartoydii hore ee dalka gaar ahaan kuwooda ku nool waqooyiga magaalada London oo kaashanaya bahda sport ga ee isla xaafaddaasi ay had iyo goor kaalmo dhaqaale soo gaarsiiyaan asxaabtoodii hore gaar ahaan marka uu xanuun ku yimaado ama geeri timaado.

Waxaan wax ka waydiiyey ugaaska sida ay ku bilaabatay taageeradan dhaqaale iyo qaabka uu asagu u gaarsiiyo asxaabta faraha badan ee ku dhaqan dalka gudihiis waxa uuna u sharaxay:

“Run ahaantii waxaan anigu shaqsi ahaan mar walba ku dadaali jiray sidii aan asxaabtii nasiibka u heshay in ay dalka ka dhoofaan uga dhaadhicin lahaa in ay soo caawiyaan saaxiibadoodii aan nasiibkaasi helin isla markaana dhibaataysan, ha noqdaan kuwa xanuunsanaya ama dhibaato dhaqaale ay haystaan, nasiib wanaag waxaa ila soo xariiray bahda waqooyiga London oo ay horkacayaan cayaartoydii hore ee Maxamed Shidane, Muriidi Abanuur  iyo Maxamed Faaqid waxaana ilaahay mahaddiis ah in ay sanadkii afaraad soo gaarsiiyaan taageero dhaqaale walaalhooda kale bilowga bisha Ramadaan ee sanad kasta” 

Taageeradani ma mid ku eg bisha Ramadaan oo kaliyaa mise waxaa jira taageero dhaqaale oo ka timaada bahdan mase jiraan bahwaynta kale ee sport ga dhaqaale ka yimaada ayaan ku celiyey ugaas Abuukar waxa uuna sheegay in taageerada reer waqooyiga London aysan ku ekayn ramadaanka oo kaliya balse ay horey taageero dhaqaale ugu fidiyeen qoysaskii walaalihii geeriyooday sanadihii ugu dambeeyey gaar ahaan goolhayihii kooxdii Batroolka (Shabeelka) iyo daafacii Mogadishu  (Axmed Qaldaan alaha naxariistii janno ha siiyee, waxaa kale oo ay sanadkan bilowgiisii sidoo kale kaalmo dhaqaale soo gaarsiiyeen cayaaryahankii kubadda kolayga ee xulka qaranka iyo kooxdii LLPP Cabdalla Dheere oo ku xanuunsanaya magaaladan kuwaasoo ay dhamaan aniga ii soo wakiisheen, dhinaca bahwaynta kale ee sport ga runtii kama marna reer London qaarkood oo laga yaabo in ay qayb ka yihiin taageeradan waxaase ayaguna sanadkan ku soo biiray taageerada bisha Ramadaan bahda sport ga ee magaalada Birmingham oo uu horkacayo cayaaryahnkii kubadda cagta ee naadigii Madbacadda Xasan Baydhabo. 

Anigoo jaleecaya magacyada iyo taleefanada faraha badnaa ee ku qornaa liiskii horyaalay Islow Abuukar oo ay ku qornaayeen bahdii sport ga ee ka faaiidaysatay taageeradan ayaan waydiiyey Abuukar qaabka uu u xusho dadkan iyo sida uu u kala saaro intaba waxa uuna qeexay in magacyadani ay sanadba sanadka ka dambeeya aad u sii kordhayaan isla markaana uu asagu xogwaraysi badan ka dib aruuriyo hadba inta uu isleeyahay waa ugu baahi badan yihiin asagoo dhinaca kalena caddeeyey in uu yahay ruux bini’aadam ah ayna jiri karaan dad baahi qaba balse aan la ogayn uuna ka raaligelinayo haddii taasi dhacdo wuxuuna sheegay in sanadkan ay tirada cayaartoydii hore ee loo qaybiyey taageeradan gaarayaan 54 (Shaqsi ama Qoys) halka ay sanadkii ugu horeeyey ahayd dhawr iyo toban qoys.

 Maxay tahay fariintaada ku aadan bahwaynta sport ga guud ahaan gaar ahaan bahda waqooyiga London iyo Birmingham sideese u argtaa qaabka ugu wanaagsan ee ay isugu xirmi karaan labadan bahood ee walaalaha ah ayaan ugu dambayntii waydiiyey ugaas Abuukar waxa uuna yiri 

“Bahda sport ga waqooyiga London iyo Birmingham waxaan uga mahadcelinayaa taageeradan iyo garashada wanaagsan ee ay had iyo goor ku soo xasuustaan walaalahooda waxaana wax kasta ka wayn xusuusta iyo qiimaynta waanan ku boorinayaa in ay halkooda ka sii wadaan waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu u aqbalo ducada ku soo dhacaysa taleefonkayga marka aan ruux waliba u sheego sida ay saaxiibadood u xasuusteen, waxaan sidoo kale ku dhiirigelinayaa bahwaynta kale ee sport ga in ay qayb ka noqdaan taageerooyinkaasi anigoo u arkaa in isku xirka bahwaynta sport ga ee gudaha iyo dibaddaba ay muhiim u tahay in la isxariiriyo isla markaana la qaybsado xanuunka, dhibaatada iyo murugada intaba”.

Waraysiga aan la yeeshay ugaas Abuukar ISlow Xasan oo dhinacyo badan taabanayey ayuu iga codsaday in aan qaybtan ku daahfuro maadaama uu aad uga qiiraysan yahay kaalmadan la soo gaarsiiyey saaxiibada dalka ku sugan waxaanan haddii alaha awoodda lihi ogolaado idiin soo gudbin doonaa waraysigan qaybihiisa kale oo taabanaya taariikhdii cayaareed ee Islow Abuukar, doorkiisa maamulka kubadda cagta dalka iyo waliba xiriirka ka dhexeeya cayaaraha, siyaasadda iyo dhaqanka oo uu dhamaantood kaalin mug leh ku leeyahay. 

 

Print Bookmark and Share

Return to previous page