Article Details

Xaflad lagu bixinayay koobabki horyaalka kubada Koleyga Wiilasha iyo Gabdhaha oo garoonka Wiish lau

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 27/5/2016 | Views: 591
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Koleyga ayaa garoonka Wiish ee magaalada Muqdisho ku qabtay xaflada lagu bixiyay koobabki horyaalada kubada Koleyga

Masuuliyiinti kasoo qeyb gashay ayaa garoonka Wiish ku daawaday kulan saaxiibtinimo oo dhex maray kooxda Horyalka Heegan iyo xiddigo lasoo xulay Horyaalka.

Marki ay ciyaarta soo idlaatay waxaa ugu horeyn halkaas ka hadlay kusimhaa xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale waxuu ka warbixiyay dhacdooyinka horyaalada Wiilasha iyo Gabdhaha iyo qaabki lo kala helay abaamarinada kale gedisan ee horyalka iyo kaalimahii kooxaha kagaleen horyaalka.

Guddoomiyaha XSKK C/laahi Nuur Maxamed Caddaani oo goobta ka haday ayaa sheegay in ciyaaraha kubada koleyga oo habeen iyo malin la ciyaarayay ay nabadd iyo dhib la’aan kusoo dhamaadeen  ayaa u mahad celiyay kooxaha ka qeyb galay tartama ee wiilasha iyo gabdhaa isuu jiray waxuuna intaa ku daray kudaray in  kooxaha  guuleystay ay u diyaar garooobaan ka qeyb galka tartamda ka dhacaya  Bariga iyo Jaamacadda Carabta.

Wasiirka ku xigeenka  Wasaaradda dhalinyrada  Cusmaan Aadan Dhuuboow, waxuuna sheeay in Wasaaradiisu ay soo dhaweyneyso dadaalka XSKK uu ku horumarinayo kubada koleyga Soomaaliya waxuuna balan qaday in ay door muuqda ku yeelan doonaan waxqabadka xiriirka.

Horyaalka kubada koleyga Wiilasha 2015-16  waxa ku guuleysatay  kooxda Heegan oo daafacatay kadib marki ay uruursatay  36 dhibooc  isla markana aaysan la kulmin wax guuldaro ah, halka horyaalka gabdhha ay hantay kooxda Horseed.

  Abaalmarinada dhanka Wiilasha.

Koobka kaalinta koowaad  Kooxda Heegan

Kobka kaalinta labaad  kooxda DDSC00347ekedda

Gool dhalinta waxaa ku guuleystay C/fitaax Buukaale 190 jeestoiyo Personal oo u dhiganta 181

dhibcood.

Laacibka Sanadka C/raxmaan Cabditawaab Kooxda I.L.S

Macalinka Sanadka Saacid Baariyoow Kooxda Dekedda

Garsooraha Ugu fiican Axmed C?laahi Faarax Baroodo

Abaal marinada  dhanka gabdhaha.

Koobka Kaalinta koowaad Gabdhaha Horseed.

Kaalinta Labaad    Gabdhaha Heegan.

Sidoo kale waxaa halkas shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay idaacadaha iyo TV-yada ka qeyb qaatay tabinta tartankaas iyo taageerayaasha horyaalka ku taxnaa iyo bahda caafimaadka oo door muhiim ah ka qaatay.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

Daawo Sawiradda:

DSC00235DSC00149DSC00154DSC00168DSC00170

DSC00195DSC00202DSC00211 IMG_0563 IMG_0526IMG_0563IMG_0536IMG_0618IMG_0598IMG_0589IMG_0582IMG_0576IMG_0575IMG_0526DSC00351DSC00350DSC00347DSC00344DSC00342DSC00341DSC00339DSC00338DSC00337DSC00336DSC00329DSC00323DSC00321DSC00317DSC00315DSC00296

 

 
Print Bookmark and Share

Return to previous page