Article Details

GOS oo Muqdisho ku soo gaba gabeeysay tartan ay dhalinyaro u qabatay [Sawiro]

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 24/5/2016 | Views: 472

Gudigii waday tartanka is dhexgalka dhalinyarada oo ka socday magaaada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa soo gaba gabeeey iyada oo ay kulankii fiinaalka ahaa ku hardameen dugsiyada C/Casiis iyo 21 October.


Tartanka waxa soo abaabulay gudiga olombikada soomaaliyeed waxaana maalgalisay shirkada Project of SKA  Internatinal Group oo ah haayad horumarineed taas oo uu saldhigeedu yahay gegida caalamiga ah ee diyuuradaha Aadan Cade.

Kama dambeytsa waxaa isugu yimi Iskuulada Cabdi casiis iyo 12-ka Oktober  waxaana 3-1 ku adkaaday Cabdicasiis.

Markii uu kulanka soo idlaaday waxaa madasha ka hadal ka jeediyey   C/laahi Xasan Kuusoow oo ka mid ahaa Guddiga  waxuuna sheegay Tartanka ay kasoo qeyb galeen Arday da’doou u dhaxeyso 11 ilaa 13 Jir isla markaana ay  soo bandhigeen ciyaarihi laga rajeynayay  waxuna u mahad celiyay Macalinmiinta isboortiga ee Iskuulada  oo si wanaasgan ula shqeeyay Guddiga inta uu tartanka socday.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xogyaha GOS Duran Axmed Faarax  kaas oo sheegay in ujeedka tartanka uu ahaa is dhex galka ardayda iyo in ciyaaryahano tayo leh ay ka soo baxaan.

Waxa uu yiri: “Waxaan goobjoob u ahaa kulamo badan aniga oo arkay ciyaaryahano mustaqbal wanaagsan leh, asluubtoodana dhaxal gal tahay.

“GOS waxa ay tartanka u saartay gudi qiimeyn ku sameeya ciyaaryahanada waxaana loo raadin doono tartan caalami ah oo ay mustaqbalka ka qeyb galaan iyadoo xaflad  gar ah ooo koobabka kalmaha hore iyo qiimeynta ciyaartoyda loo qaban doono todobaadka.

Xoghayaha waxa uu ugu dambeyn u mahad celiyey Shirkada SKA oo iyadu taaba galisay tartanka iyo dhamaan kuwii tartanka maamulay, Iskuulada, macalimiinta iyo cyaaryahanadii ka qeyb qaatay isaga oo ku baaqay in shirkada maxaliga ah iyo kuwa dibadaba ay ka qeyb qaataan horumarinta ciyaaraha wadanka, sidoo kale waxa uu balan qaaday in uu noqon doono tartanka mid joogta ah lana qaban doono ciyaaro kale gedisan.

Waaxda Warfaafinta Gos

 Info@nocsom.com

_MG_9950 DSC09336_MG_0002_MG_0011_MG_0012

DSC09428

DSC09424_MG_0019_MG_0029_MG_0045_MG_0107_MG_0111_MG_0113_MG_0332_MG_0335_MG_0345DSC09481DSC09487IMG_0309IMG_0312IMG_0317IMG_0320

Print Bookmark and Share

Return to previous page