Article Details

Wasiirk Dhalinyarda iyo isboortiga oo ka qeyb galay tartanka is dhex galka Dhalinyarada +Sawirro

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 23/5/2016 | Views: 479
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed C/laahi Xasan Nuux ayaa ka qeyb galay tartanaka is dhex galka Dhalinyarada iskuulada oo si xii

 

Tartankan o soo bilowday 7 bishan May waxaa ka qeyb galaya 15 iskuul oo ka mid ah iskuulada gobolka Banaadir  waxaa soo qaban qaabiyay Guddiga Olombikada  Soomaaliyeed   garab ka helaya Shirkadda SKA oo tartan taaba gelisay.

Wasiir Nuux ayaa u daawasho tagay kulamadi Semi finalka tartanka oo ka dhacayay garoonka  kubadda cagta ee ku yaala Turkey Nile Academy EX Dugsigii hore ee farsamad, waxuuna halkaas kula hadlay ciyaartoyda da’yarta ee tartankaka qeyb galeysa.

Wasiirka   oo la hadlay  ciyaartoyda   ayaa xusay in wasaraddu ay  soo dhaweyneyso tartamada nuucan oo kale ah  kuwaa wax weyn kusoo kordhinaya dhalinyarada   isla  markaana u noqonaya is dhex gal iyo is barashouna horseedayana  in ay ka baaqsadaan waxyaabhaa  mustaqbalkodoa iyo horumarkooda dib u dhaca u keenaya.

Wasiirka ayaa dhanka kale xusay   in ay   todobaadkan ay kormeer ku sameeyeen  garoomada ku yaala Tuulada isboortiag Stadio Muqdisho, isagoo tilmaamay in Wasaaradu ay horumarin doonto caruurta da’yar ee mustaqbalka ku leh isboortiga nuucyadiisa kale gedisan , waxuuna baaq u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan  ganacatada iyo dhalinyarda in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska garoomada kale gedisan  Stadio Muqdisho.

Ugu Dambeyn waxuu Mahad celin usoo jeediyay Guddiga Olombikada Soomalieed oo tartan soo qaban qaabiyay   iyo shirkadda Ska  taaba gelisay tartankan ,  waxuuna  ganacsatada iyo hay’adaha  dalak joogo ay ka qeyb qaataan tartamada lagu dhiira gelinayo dhalinyarda Soomaaliyeed.

Kulamadi semi finaalka ee la ciyaaray waxaa Fiinaaka usoo gudbay Iskuulada Cabdicasiis iyo 12 Oktoobar  kadib marki ay  garaaceen   Dugsiyada Shariif Calawi iyo Wiil Waal.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 Daawo Sawiradda:

_MG_9136 _MG_9149 _MG_9176 _MG_9177 _MG_9192 _MG_9214 _MG_9216 _MG_9232 _MG_9250 _MG_9339 _MG_9414 _MG_9433 _MG_9454 IMG_9458 IMG_9467 IMG_9479 IMG_9487

 
Print Bookmark and Share

Return to previous page