Article Details

Wafdi isugu jira wasaaraddaha Amniga ,Isboortiga iyo Gos oo kormeer ku tagay Stadio Muqdisho+Sawirr

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 19/5/2016 | Views: 506
Wafdi balaaran oo isugu jray wasaaradda Aminaga , Wasaaradda Dhalinyarda iyo isbooortiga Guddiga Olombika Soomaaliyeed, maamulka Gobolka Banaadir iy

 

Wafdiaga aya augu horeyn waxay   kormeer kusoo kala bixiyeen  garoomada kale gedisan ee isbootiga ay ka koban tahay tuulada Isboortiga markii uu soo idlaaday komreerkodo waxaa  gudaha  garoonka kubada cagta Stadio Muqdisho bahda saxaafadda kula hadlay masuuliyiinta wafdia ka koobnaa.

Ugu horeyn waxaa hadalka qaatay  Guddoomiyaha isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish waxuuna  yiri” aniga ku hadlaya Magca gobolka Banaadir iyo kan isboortiga gobolka waxaa diyaar u nahay in ay ka qeyb qaadano dib u dhiska garoomada si goobo ay ku ciyaaraan  u helaan sila markaana ay dib usoo noqoto bilicdii muqdisho.

Xoghayaha Gos Duran Axmed faarax  oo goobta ka hadlay  ayaa sheegay in waxyaabaha ugu baahida badan  ee wadakana hada  ka jira  ay thay in la helo  goobaha isboortiga oo ay bulshda isugu yimaadaan laguna waci geliyo si dhalinyarada  ay u helaan fursado ay waqigooda ku bixiyaan.

Xogahyaha ayaa dhan kale  tilmaamay in  Garoomada  ku taala tuulada isboortiga  ay  mar caalamka ka noqdeen kuwa si  gaar ah loo qiimeeyo isla markaana marti gelin jireen  ciyaaro caalami ah  oo qaaradda iyo Jaamcadda carabta isugu jira loona baahan yahay in dib loo soo celiyo  lana dhiso ayna faaiido u noqon doonto  dhalinyarda ku hoobanaysa badaha  ee tahriibaya iyo kuwa siyaabo kale dhibka dalka kajira  u saameeyay.

Wasiirka dhalinyarda iyo Isboortiga Maxmaed C/laahi Xasan Nuux  oo   isna goobta kahadlay ayaa yiri” Muhiimada ugu weyn ee aan garoonka u nimid waa in aan daboolnaa baahiyaha ka jira garoonka, waxaana dooneynaa  ka hor hay’adhaa caalamiga inaan annaga bilowno dib u dhiska garoomada.

Wasirka ayaa dhankale baaq u diray ganacsatada  Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dib u dhisma garoomada  qiimaha weyn ugu fadhiya  horumarka dalka , waxuuna intaa ku daray in wasaaradda ay  Injineero qiimeeya dib u dhiska garoomada .

Ugu dambayn waxaa halkaas ka hdalay wasiirka AmnigaQaranak Soomaaliya C/risaaq  Cumar  waxuuna sheegay dowladda  ay diyar u tahay in ay garoonka ka raraan  Ciidama Amison  balse marka loo baahan yahay in a Wasaaradda  dhalinayra iyo isboortiga diyaariso qorshaha  lagu dhisayo  garoomadan dhibka weyn soo gaaray.

Garoonka Stadio Muqdiho ayaa waxaa uu ka xabian yahay xiriiro badan   oo qaarkood hal aroonka tartamo  kale gedisan ciyaaro u qabta  taasoo dib u dhac ku ah horumarka isboortiga Dalka.

W/D: Xuseen Maxamed  hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 Daawo Sawiradda:

IMG_9542 IMG_9479  IMG_9762 IMG_9768 IMG_9981 IMG_9999 13239460_1715762501999203_2179751724618009611_n IMG_9600 IMG_9640 IMG_9659 IMG_9675 IMG_9706 IMG_9726 IMG_9875 IMG_9853 IMG_9862 IMG_9818 IMG_9846

 
Print Bookmark and Share

Return to previous page