Article Details

Garsoorayaal aan garab haysan (Kubadda Kolayga Dalka).

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 16/3/2016 | Views: 815

Waxaa magaalada Mogadishu ka dhacay kulan aad u xamaasad iyo xiiso badnaa kuna dhexmaray garoonka KK ee Wiish (Ex 21 October) kooxaha kubadda kolayga ee ILS iyo Heegan kaasoo ay daawashadiisa ka soo qaybgaleen taageerayaal aad u fara badnaa. 

Kulankan oo ahaa kii ugu dambeeyey wareega hore ee koobka horyaalka kubadda kolayga dalka ayaa taageerayaashu aad u hadal hayeen maadaama labdan kooxood ay yihiin labada ugu awoodda roon kooxaha kubadda kolayga isla markaana ay ka dhaxayso tartan iyo xifaltan soo jireen ah mararka qaarkoodna gaara heer aad u kulul.

Bilowgii cayaartan oo socotay muddo ka badan 2 saacadood ayaa waxaa ay labada kooxoodba ku dadaalayeen sidii  ay hogaanka u qaban lahayd waxaase ay cayaartu noqotay mid la is-barbar socdo koox walibana ay mar hogaanka qabanaysay inkastoo dhinaca farsamada iyo qaab cayaareedka ay kooxda ILS ka wanaagsanayd kooxda Heegan oo cayaartoydoodu u muuqdeen kuwa dhinaca murqaha ku dagaalamaya hadddana ma jirin koox la oran karay waxay maamulatay cayaartan.

Kulankan oo ahaa kii iigu horeeyey ee aan ka daawado kulamada kubadda kolayga dalka ayaa waxaa sidayda oo kale ayaguna markii ugu horeysay goob joog ka ahaa qaar ka mid ah cayaartoydii hore ee dalka waxaanan dhamaanteen xiiso badan u qabnay in aan daawano isla markaana dhiirigelino cayaartoyda da’da yar ee ka qaybgalayey horyaalka dalka waxaase intaasi noo dheeraa qiimayn iyo isbarbardhig madaxyadeena ka dhex guuxayey maadaama markii ugu dambaysay ee aan daawanno kulamo noocaan oo kale ahi ay ahayd xilli aad u fog.

Inkastoo aanan ahayn qabiir kubadda kolayga ah haddana marka aan isku dayo in aan isbarbar dhigo kubaddii kolayga berisamaadkii iyo kulankii aan daawaday waxaa u dhexeeya farqi aad u baaxad wayn oo waxaan inteeni badnayd ee xusuusta wanaagsanayd u lahayd kubaddii kolayga dalka ku qiimaynay cayaartoydii aan daawanay intoodii badnay kuwa aan wax badan ka awood badnayd cayaartoydii dugsiyada sare ee berisamaadkii marka la fiiriyo dhinaca farsamada kali ahaaneed, isku xirnaanta koox ahaaneed iyo aqlaada cayaartoy ahaan intaba.


Cayaartan oo marka laga soo tago horyaalka dalka ay kooxuhu ku hardamayeen koob laagu magic daray xasuusta marxuumiintii ka baxay bahda sport ga ayaa waxaa gabagabadii guushii iyo koobkiiba hantay kooxda Heegan oo 65-60 dhibcood uga adkaaday kooxda ILS.

Waxaa sidoo kale fajac iyo la-yaab igu noqday qaabka ay maamulka iyo cayaartoyda kooxda Heegan oo ka mid ahayd labadii kooxood ee kulankan cayaarayey ula dhaqmayeen garsoorayaashii kulankan dhexdhexaadinayey kuwaasoo isugu jiray handadaad, aflagaaddo, eedaymo joogta ah oo uga imaanayey shaqsiyaad la iigu sheegay in ay ka mid yihiin maamulka sare ee kooxda iyo taageerayaal qaarkood garoonka looga saaray baryo.


“Waxba ma taqaaniin ee wax soo barta aqoontiinana kordhiya, balan aan kaa qaaday in aan ku tuso inkastoo aanan garan waxa la tusayo iyo hadalo kale” ayaa ka mid ahaa hadaladii aan maqlay kuna wajahnaa garsoorihii miiska ee kulankan ugana imaanayey shaqsi ka mid ah maamulka kooxda Heegan ayadoo waliba ay maqlayaan cayaartoyda keydka ee kooxdiisa, taageerayaashii ka agdhawaa halka uu taagnaa iyo waliba maamulka sare ee XSKK oo haba yaraatee aan waxba ka qaban hadalada iyo handadaadda ku dhacaysay garsoorayaashooda.

Dhinaca cayaartoyda ayaa ayaguna ahaa kuwa aan la xakamayn karin gaar ahaan cayaartoyda kooxda Heegan oo u muuqday kuwa ku soo talagalay in ay xoog, handadaad iyo dagaal ku muquuniyaan cayaartoyda kooxda ILS oo ayagu dhinaca cayaarwanaaga uga wanaagsanaa Heegan sidoo kalena aad arkaysay in ay ka degan yihiin isla markaana ka aqlaaq wanaagsan yihiin kuwa ka soo horjeeda run ahaantiina ma arag maamulka kooxda ILS oo dul taagan miiska garsoorayaasha halka dhigooda Heegan ay dhinacyo badan uga yimaadeen garsoorkii kulankan.


Waxaa ayaduna xusid mudan in garsoorayaashii kulankan oo ahaa saddex garsoore ay marar dhawr ah isburiyeen ama isku qabsanayeen go’aamada cayaarta taasoo muujinaysa in aqoonta garsoorka kubadda kolaygu uusan ahayn mid sareeya isla markaana ay kalsoonida ay ku qabeen in ay kulankan si wanaagsan u garsooraana ay yarayd qaab kasta ha u timaaddee.

Cayaaryahankii hore ee kubadda kolayga Dhooleey (Horseed iyo qaranka) oo aan ku kulanay dibadda garoonka ka hor dhamaadkii cayaartan ayaa walaac ka muujiyey qaabka ay garsoorayaashii kulanku u dhexdhexaadiyeen cayaartan isla markaana tilmaamay in guud ahaan XSKK u baahan yahay shuruuc iyo nidaam adag oo ay ku xakamayn karaan naadiyada dalka isla markaana uga hortagaan tacaddiyada iyo xadgudubka lagu hayo garsoorayaasha kubadda kolayga haddii aan taasi la helina ay kooxaha qaar ka awood bataan kooxaha kale.


Guutaale oo ka mid ahaan jiray cayaartoydii kubadda cagta Jeenyo oo aan isla daawanay kulankan isla markaana isbarbardhigayey xiriirada, maamulka iyo cayaartoyda kubadda cagta iyo kolayga ayaa amaan u soo jeediyey XSK Cagta sida ay u xakameeyeen isla markaana uga difaacaan cayaartoyda iyo maamulkaba in ay ku xadgudbaan garsoorayaasha iyo waliba sida ay u kobciyeen garsoorka kubadda cagta oo ah mid ka aqoon badan kana kalsooni badan kan kubadda kolayga dalka.


Inkastoo kulankan hadalhayntiisa dadka cayaaraha jeceli aad ugu waynaa magaalada isla markaana ay labadan kooxood ahaayeen kooxaha loogu jecel yahay kubadda kolayga dalka ayaanan hadana ku soo arag cayaar i farax gelisa marka la fiiriyo aqlaaqda iyo farsamada cayaartoyda oo ahayd mid aad uga hoosaysa tii aan filayey marka laga reebo dhawr cayaartoy oo laba ka mid ahi ka yimaadeen dibadda dalka, aqoonta garsoorka oo ka hoosaysa tan kubadda cagta marka aan ka eego sida ay garsoorayaashu u xakamaynayaan cayaarta ay garsoorayaan iyo guud ahaan maamulka XSK Kolayga oo kuwoodii goobjooga ka ahaa kulankan u muuqdeen kuwa maamulaya kulan saaxiibtinimo oo ka dhacaya garoon ka mid ah garoomada xaafadaha magaalada waxaana ay indhahaygu qabanayeen ayaga oo indhaha ka laabanaya handadaadihii ku dhacayey garsoorayaashooda mararka qaarna aadba arkaysid ayaga oo baryayay dadka qaar inkastoo aanan ogayn qaabka ay ula dhaqmaan kooxaha cayaaraha ka dib iyo in ay ganaaxyo soo saaraan. 


Print Bookmark and Share

Return to previous page