Article Details

Jeenyo v Horseed: Shalay iyo maanta

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 9/3/2016 | Views: 698

Waxaan magaalada Mogadishu uga qaybgalay daawashada kulan ka tirsanaa horyaalka kubadda cagta Soomaaliyeed oo dhexmarayey kooxaha Jeenyo iyo Horseed oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalkeena. 

Inkastoo mudadii aan ku sugnaa magaalada Mogadishu aan u daawasho tagay tiro kulamo kubadda cagta ka mid ah ayaa hadana kulankani waxa uu si gooni ah ii soo xasuusinayaa kulamadii xiisaha badnaa ee dhexmari jiray labadan kooxood xilligii ay dalka ka ahaayeen kooxaha tilmaaman isla markaana taageeradoodu ahayd mid aan qiyaas lahayn.

Kulankii shalay oo daawashadiisa ay ka soo qaybgaleen madax ka tirsan dawladda Federaalka ah sida wasiirka Hawlaha Guud iyo taliyaha laanta socdaalka oo kala taageerayey labada kooxood ayaa waxaa dhinaca kale ayaguna xusuusta xiisaha kulankan ila qaybsanayey qaar ka mid ah cayaartoydii hore ee kooxihii kala gedisanaa ee dalka oo ayagu muddo badan ka dib dalka dib ugu soo laabtay.


Kooxda Jeenyo ayaa qaybtii hore ee cayaartan ka heshay gool uu u dhaliyey cayaaryahanka nambarka 16 aad u qaata kooxdaasi oo ah cayaaryahan da’yar oo sanadkan cayaaraya horyaalkiisii ugu horeeyey. Horseed ayaa kubadda la qaybsatay isla markaana culays badan ku saartay Jeenyo in ay dib u gurato waxaase uu isla cayaaryahankii mar kale ka dhaliyey Horseed gool kale kaasoo kulanka ka dhigay 2-0 una muuqday mid aan gaaris lahayn.

Cayaaryahanka nambarka 10 aad u sitay kooxda Horseed ayaa gool aad u qurux badnaa isla markaana rajo ku abuuray taageerayaashooda u dhaliyey kooxda Horseed waxaana indhaha cayaartoydii hore ee Jeenyo oo dhinacyadayda fadhiyey laga dheehan karay cabsi ah in la barbareeyo waxaase walwalkaasi ka tirtiray qalbiyadooda isla cayaaryahankii hore ka dib markii markii uu dhamaadkii kulankan u dhaliyey kooxdoiisa gool uu si xirfadaysa ula dhaafay laba ka mid ah daafaca Horseed ka dibna uu labada lugood oo goolhayaha Horseed uga dhex dusiyey kubadda shabaqa Horseed sidaasina ay guushii shalay ku raacday kooxda Jeenyo oo hadda 19 dhibcood ku fadhida kaalinta labaad ee horyaalka dalka.

Shalay iyo Maanta

Dad badan marka ay maqlaan waxaa wada cayaaray Jeenyo iyo Horseed waxaa isla markiiba maskaxdooda ku soo dhacaysa waxyaabo badan oo aanan shalay ku arag magaalada Mogadishu kuwaasoo ay maqnaanshahooda ugu wacan tahay sababo kala gedisan oo ay ugu balaaran tahay uguna mug wayn tahay burburkii dalka  iyo dhaqaalaha guud ee bahwaynta sport ga jecel.

Ka warhaynta cayaaraha kubadda cagta ah ee ka socda magaalada Mogadishu ayaa aad uga yar tii xiligii hore waxaana caada ahaan jirtay in hadalhaynta ugu badan ee maqaayadaha iyo baararka shaaha ee magaalada maalmaha iyo habeenada ka horeeya kulanka Jeenyo iyo horsed ay ahaan jirtay faalada iyo xifaltanka taageerayaasha fara badan eek u sugnaa xaafad kasta oo ka mid ah magaalada halka xiligan ay hadalhayntani ku kooban tahay goobo cayiman iyo xaafado cayiman. 


Waxaa magaalada Mogadishu gaar ahaan gaadiidka dadwaynaha caada u ahayd in baabuur badan loo raro garoonka uu ka dhacayo kulanka Jeenyo iyo Horseed marka aad timaado wadada ugu horeysa ama ugu dhaw gurigaagana aan maqli jirnay dhawaqa gaadiidlayda faraha badan oo ku dhawaaqi jiray “isbartiibo, isbartiibo” mararka qaarna ayba sheegi jireen nooca kulanka sida “Jeenyo Horseed” halka ay xiligan aad u yar tahay in aad maqasho dhawaqaas amaba aragto gaadiid dadwayne oo si qaas ah shacbiga sport ga jecel ugu qaadaya garoonka Banaadir waxaana hubaal ah in ay jiri lahaayeen gaadiid aada garoomada haddii ay jiri lahayd shacbiyad tiradaa le’eg.

Garoonka uu ka dhacayo kulanka Jeenyo iyo Horseed ayaa ahaan jiray mid la ciirciiraya taageerayaal tira badan ka badan kuwa loogu talagalay in ay fadhiistaan garoonka ayadoo qaar badadina ay awoodi kari waayaan in ayba boos ka helaan garoonka, dibadda garoonkana uga raaxaysan jireen sawaxanka taageerayaasha kale ee kulanka daawanaya halka kulankii shalay uu wax badan ka bedelay fikirkaygii ahaa in uusan isbadalin xiisaha shaqsigu u qabo daawashada iyo cayaaridda kubadda cagta balse uu jacaylkaasi ama xiisahaasi ku xiran yahay isbadalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dal ama dad.

Taageerayaasha qaaska u ah kooxaha Jeenyo iyo Horseed oo wata calaamado ama qalab ay caan ku ahaayeen, cayaartoydii hore ee soo maray naadiyadaasi iyo kuwii kale ee dalka, madax fara badan oo ay kubad jacayl keento iyo shacbi da’doodu isku dhafan tahay una badnaa kuwa ay da’doodu ka wayn tahay 17jir ayaa u daawasho tagi jiray kulamada noocaan ah ee berisamaadkii halka kulankii shalay iyo kulamada kale ee horyaalka ay 75% yihiin dad ay da’doodu ka yar tahay 17 jir halka ayba aad u yar yihiin in aad garoomada ku aragto taageerayaal qaas ah oo la xamaasad ah kuwii hore iyo dad ayagu magic wayn ku lahaa kubadda cagta dalka marka laga reebo kuwa ayagu ka shaqeeya kooxaha ama ururada cayaaraha dalka.

Arimahaasi aan soo xusay oo idil marka ay isbiirsadaan waxa ay kuu bayaaninayaan in ay aad u hooseeyso heerka kubadda cagta ee dalka marka laga fiiriyo dhinaca shacbiyadda ama taageerada taasoo ah tiir aad muhiim ugu ah horumarinta kubadda cagta dalka ayadoo ay dhinaca kale si cad u muuqato isla markaana aan la dafiri karin dadaalka baaxadda leh ee ay wadaan xiriirka kubadda cagta iyo naadiyada kala gedisan ee dalka.

Dhaqaalaha dalka oo sare u kaca ka dibna wax yar ka bedela nolosha guud ee dadka sport ga jecel, suuqgayn hufan ee uu xiriirku u sameeyo kubadda cagta dalka kana gado tirada badan ee jecel kubadda cagta awoodana daawashada cayaaraha, warfidiyeenada, raadiyayaasha iyo TV yada kala gedisan oo waqtiga iyo awoodda badan ku bixiya in ay faafiyaan wararka cayaaraha dunida oo qayb yar oo waqtigooda ah u hura faafinta cayaaraha dalka iyo ugu dambayntii XSKC oo dareema isla markaana qiimeeya isbadalada shacbiyadda kubadda cagta iyo siyaabaha loo siyaadin karo ayaa qayb wayn ka noqon karta dib u soo celinta taageerayaal fara badan oo u daawasho taga kulamada noocaan oo kale ah kuwaasoo xag dhaqaale iyo horumarineedba wax badan ka tari karta horumarka kubadda cagta dalka. 

Print Bookmark and Share

Return to previous page