Article Details

Xogahayah GOS oo booqday Xarunta Olmpikada Turkiga

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 7/3/2016 | Views: 588
Xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed mudane Duran Axmed Farax ayaa booqasho ku tagay xarunta guddiga olombikada Dalka Turkiga oo ku taala magaa

Xogahayaha oo ay booqashada ku wehliyeen dhalinyarao  laga soo xulay uruurada dhalinyarda soomaaliyeed ee maamulada kala gedisan ee dalka ayaa  waxaa soo dhaweeyay xoghayaha guud ee Olmypicada Dalka Turkiga Ms Neşe Gündoğan waxaana lagu soo wareejiyey qaybaha kala gedisan ee xarunta iyo madxafka uu leeyahay OLmpicada Turkiga kaasoo ah guddi aad u fac wayn oo la aas aasay sanadkii 1908 dii isla markaana looga sheekeeyey guulihii taariikhiga ahaa ee uu gaaray Guddiga Olimbikada Turkigu.

 

Kormeerkaasi iyo isbarashadii kadib xoghayaha GOS waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga l Ms  Neşe Gündoğan oo ay ka wada hadleen sidii ay labada dal isaga kaashsan lahaayeen mashuucyada horumarinta  iyo in Turkigu Soomaliya ka caawiyo tababarada dhanka maamulka sport ga si loo helo dad xirfad wanaagsan u leh maamulidda cayaaraha ee gobolada dalka.

 

Dhalinyarada  xogahayha ku wehlisay booqashada  oo dalka Turkiga kaga qayb galay shirka loogu magacdaray Hight Level Patnership Forum, oo aan waxba kala socon xaalada ay ku shaqeyso GOS iyo waxqabadkooda intaba ayaa aad  ula dhacay dadaalka ay GOS ka wado gudaha dalka  waxayna sameeyeen ballanqaad ay uga qayb qaadayaan horumarinta isboortiga soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay awoodaan.

 

Dalka Turkiga  ayaa soomaaliya ku leh saameyn balaaran waxuuna ka fuliyay mashruucyo aad u fara badan iyadoo madaxweynaha dalka Turkiga kolkii uu Soomaaliya soo booqday  ballan qaadyadii uu sameeyay ay horumarinta dhalinyarada iyo cayaaruhu ku lahaayeen mdunaan gooni ah isla markaana ay booqashada xoghayuhu ka tarjumayso sidii dhalinyaradu uga faaiidaysan lahayd mashruucyadaasi oo kaalimo xoogan ka geli kara horumarka cayaaraha dalka.

Waaxda warfaafinta Gos

Info@nocsom.com 

 
Print Bookmark and Share

Return to previous page