Article Details

Banaadir SC oo guul dirqi ah kagaartay Signjet hogaankana dheeraysatay

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 6/3/2016 | Views: 613
Kooxda kubadda cagta Banaadir SC ayaa guul ay dhibtootay ka gaartay kooxda Singjet oo ay garoonka Banaadir kulan adagy ku qaateen.

Kulanka ayaa ahaa kulanki 47ee horyaalka isla markaana waxuu ahaa laba koox u ahaa kulanki 10 ee ay horyaalka ka ciyaaraan.

Banaadir lugtii hore 1-0 uga soo adkaatay ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadi 9-aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Daadir Amiin Cali oo N0-7 u qaata isla markaana ah kabtanka kooxda , waxaana gool labaad daqiiqadi 25 u dhaliyay Marcel Samson oo weerarka uga ciyaara.

Kooxda Singjet oo aan rajo dhigin ayaa weerar xoogan ay soo qaadaywaxana lagu abaalmariyay gool-kulaad iyadoo daqiiqadi 45 gool u badalay C/naasir Cumar Gurxan2-1 oo ay Banaadir SC ku hogaamineyso ayaa qeybta hore lagu kala nastay.

Marki laysu soo laabtay kooxda Singjet ayaa calaamda casanka waxaa ka qaatay ciyaaryaha no-29 Qoorwaxayna heshay furasd ay ku barbareyn kartay iyadoo 10 ciyaaryahan ku ciyaareysa waxaana gool-kulaad loo dhigay ka qasaariyay C/naasir Cumar Gurxan oo ahaa dhaliyaha goolka Signjet ee ciyaarta.

Garsoore Bashiir Colaadoo ciyaarta dhex dhexaadinayay ayaa kooxda Banaadir calaamadda casaanka kasiiyay Mustaf faransa oo Banaadir ah vwaxayna ciyaarta kusoo idlaatay 2-1 oo ay guusha u raacday kooxda Banaadir.

BanaadirSC ayaa sidaa ku dheeraysatay hogaanka horyaalka waxayna leedahay 24 dhibcood kaidb 10 kulan oo ay horyaalka ka ciyaartay.

 

Print Bookmark and Share

Return to previous page