Article Details

Tacsi tiiraanyo xambaarsan: Maryan-Ruun Cali Xasan

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 26/2/2016 | Views: 649

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun: Geeridu waa xaq waxaana aan shaki ku jirin in cid waliba ay maalin dhadhamin doonto sida uu alahii na abuurtay noogu sheegay qur’aankiisa kariimka ah. Anagoo taasi dareensan ayaan hadana waxaan si kala duwan uga xanuunsanaa aafada ay geeridu xambaarsan tahay taasoo aan saldhig uga dhigno sababo kala duwan. 

Qoraalkan tacsida ahi waxa uu shaqsi ahaan igu reebayaa xanuun iyo murugo aanan horey u dareemin anigoo dhinaca kalena rumaysan in ay jiraan dad aad u fara badan oo maanta ila qaba ama dareemaya xanuunkan iyo kuwa iiga sii badan intaba.

Waxaa maanta ku geeriyootay magaalada London ee dalka Ingiriiska alaha naxariistii janno ha siiyee Maryan-Ruun Cali Xasan oo ahayd xaaskii Maxamed C/Raxmaan (Buuwe) oo ah shaqsi bahwaynta sport ga magac iyo maamuus aad u baaxad wayn ku leh.

Marxuumaddu ma ahayn oo kaliya xaaska saaxiib Maxamed iyo hooyada ubadka ay ka baxday ilaahay ha u xafidee balse waxa ay ahayd qofkii suurageliyey in Maxamed Buuwe ugu shaqeeyo bahda sport ga Soomaaliyeed si tabarucaada ah muddo ka badan 35 sano oo ay nolol-wadaag ahaayeen, haddii dhiirigelinta, gacansiinta iyo talooyinkii wanaagsanaa ee marxuumadda uusan heli lahayna ay adkaan lahayn in Maxamed Buwe u qabto bulshada hawshaas baaxadda leh.

Shaqsi ahaan aqoontii ku dheehnayd walaatinimada ee aan u lahaa marxuumadda waxaan ku sifayn karaa shaqsi wanaag, jacayl  Islaanimo,  Soomaalinimo, wadaninimo iyo xaqdhawrka baniaadamka kale ee ay la noolayd aad ugu wanaagsanaa waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu wanaagaas ugu abaalgudo janatul fardaws.

Waxaan maanta magaalada Mogadishu kula kulmay tiro badan oo ka mid h bahwaynta sport ga dalka halka tiro kale na aan xanuunkan iskula qaybsanay dhinaca taleefanada kuwaasoo dhamaantood ka tiiraanyeysnaa geeridan xanuunka badan ee ku timid walaasheen Maryan-Ruun isla markaana la wadaagayey xanuunka iyo murugada walaalkood Maxamed Buuwe iyo caruurtiisa.  

Bahda aan maanta wadaagnay tiiraanyada geeridan isla markaana uga tacsiyadaynaya saaxiibkood Maxamed Buuwe ayaa waxaa ka mid ahaa: Abuukar Islow, Cabdigani Jeenyo, Axmed-Nuur Xasan Cabdulle, Nuur Maxamed Amiin, Shiikha Xaashi Ciid, C/Qaadir Cilmi Ereg (Xaaji Yare), Cali Bashiir Nuur,  Cabaas Axmed Diiriye, Axmed John, Kamaal Maxamed Khayre, Yaasiin Jeey, Buufaneey, Guutaale, iyo Aaden Cali Xasan (Mooblayn) waxayna dhamaantood ilaahay uga baryayaan in marxuumadda uu ka waraabiyo janatul fardawsa Maxamed, caruurtiisa, dhamaan walaalaheed reer Cali Xasan gaar ahaan Sahra, Sacdiyo iyo Racwi, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyootayna uu samir iyo ilaahay ka siiyo. Aamiin

Print Bookmark and Share

Return to previous page