Article Details

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolayga oo ka jawaabay eedeymihii loo soo jeediyay

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 17/2/2016 | Views: 580
Kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolayga, guddiga fullinta, xubnaha xiriirka, ciyaartooy hore iyo marti sharaf

Muhiimada kulanka ayaa waxa uu ahaa in lagu lafo guro arrimihii ku aadanaa tartanka kubadda koleyga Jaamacadda Carabta, ee sannadkan lagu qabanayay dalka Imaaraadka Carabta.

"Si qaldan ayey wax u dhaceen, wixii dhacayna waxaan u gudbinay guddiga Olympic-da Soomaaliyeed oo aan gaarsiinay qoraal dacwad ah, iyagana ayaan jawaab ka sugeynaa." Guddoomiyaha XSKK Cabdulaahi Nuur Maxamed (Cadaani), ayaa hadalkan ka sheegay madasha.

Waxaa uu intaa ku daray: "Waxaan aad uga xumahay oo caloolyoow i galiyay gabdhaha Soomaaliyeed, ee ahaa laciibiinta qaran ee lasoo lug-gooyay si been ah ah loogu sheegay inay qaran u ciyaaraayaan, ciyaaraha Shaariqah lagu ciyaaray ma aheyn kuwa qaran ee waxa ay ahaayeen ciyaaro lagu martiqaaday kooxaha kusoo guuleystay horyaallada carabta ee dalalkoodda, dalka Soomaaliya waxaa lagu qabtaa horyaalka kubbadda Kolayga iyo Koobka Jeneral Daa'uud, waxanna lagu ciyaaraa magaaladda Muqdisho, cidda tartankaas qaada ayaana xaq u leh safarrada dibadda."

Sidoo kale guddoomiya Cadaani, ayaa ku nuux nuuxsaday: "Shaqadan waxaan u heynaa dadka Soomaaliyeed, waxaa jiro laacibiin hore oo haya ciyaartooy, waan soo dhaweyneynaa cidd walba oo ciyaareyso kubbadda Kolayga Soomaaliya."

Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa kusoo xeray: "Waan ku faraxsanahay ciyaartooydii Soomaaliyeed ee kubbadda Kolayga inay kusoo laabteen magaaladda Muqdisho, ayna u ciyaarayaan kooxaha heerka koowaad ee dalka, waxaan kale oo aan u mahadcelinayaa xiriirka Jaamacadda Carabta, ee aqbalay in xiddigaha si qaldan wax loogu sheegay laga joojiyo cayaaraha, waxaa kale oo jirtay gabar Soomaaliyeed oo si lacag la'aan ah ku geeysay gabdhaha ciyaartooyda dadaal fiican ayey sameysay laakiin waa la marin habaabiyay, ka raalli ahaaw xiriirka Soomaaliyeed raalli kama aha."

Kubbadda Kolayga Soomaaliya, ayaa xilligan ah mid kobac xooggan sameyneyso, iyadoo ay soo baxayaan xiddigo mustaqbal leh arrintana waxaa si xooggan u dardar gelinayo xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolayga.

 W/D: Maxamed Shuuriye Nuur ( Barakaat)

Email:Taraabul@gmail.com

IMG_1170 IMG_1112 IMG_1114 IMG_1118 IMG_1129 IMG_1133 IMG_1137

Print Bookmark and Share

Return to previous page