Article Details

GOS oo ka qayb gashay tababar dhanka Suuqgeynta oo lagu qabtay Sweazerland+Sawiro

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 31/1/2016 | Views: 596
Seminaarkan oo ka dhacay xarunta IOC, magaalada Laussane ee dalka Sweazerland waxaa ka qayb galay 34 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay waxaana Guddiga

Seminar oo ku saabsanaa suuqgeynta Olympic-ada waxaa diyaariyey qeybta u qaabilsan IOC da oo lagu magacaabo IOC Television and Marketing Services TMS , wuxuu socday 26 - 27 January.


Xoghayah Gos Duraan Axmed Faarax oo ka warbixyay ujeedka Seminaarka ayaa sheegay in seminaarkan uu ahaa kii 5aad oo lux seminar oo IOC- da ugu tala gashay iney ka faaideystaan waddamada xubnaha ka ah, Waxaa midkaan joogay 34 waddan oo ka socda 5ta qaaradood.


 

Xoghayaha ayaa intaa kudaray in seminaarkan xooga lagu saaray sida looga faaideysan karo haysashada astaanta olympic- da ( olympicbrand ) oo ah astaanta ugu caansan dunida, baaritaan la sameeyey na 98% lagu sheegay iney garanaayaan astaanta olympic ada sidaa awgeedna ay muhiim tahay in ay wadamadu ka faaideystaan.

 

Suuqgeynat waa nidaam hay'adaha ,Xiriirada , Kooxaha iyo Ururada isboortiga aad muhiim ugu ah taasoo haddii ay waqti iyo qorshe wanaagsan geliyaan ay ku helikaraan dhaqaalo uu isboortiga ku horumari karo waana sababta ay GosSeminaarkan muhiimada gaarka u siisay xilli dalal badan oo caalamka ay ka baaqsadeenka qayb galkiisa.


 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda warfaafinta Gos

Print Bookmark and Share

Return to previous page