Article Details

Garoon ku yaala dalka Talyaaniga oo loogu magacdaray orodyahanad Soomaaliyeed.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 28/1/2016 | Views: 624
Garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa loogu magac daray alaha u naxariistee Samia Yusuf Omar oo ahayd orodyahanad Soomaaliyeed.
Samiya oo Soomaaliya u matashay cayaarihii Olympic-ada ee ka dhacay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha sanadkii 2008, ayadoo sida la sheegayna ku dhimatay badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga bishii April ee sannadkii 2012, iyadoo isku dayaysa in ay dhinaca Libya kaga soo talaabto Talyaaniga.(Tahriib).

 

Ka dib markii uu buug ka hadlaya taariikh nololeedkii Saamiya uu qoray qoraa u dhashay dalka Talyaaniga laguna magacaabo Giuseppe Catozzella iyo sababihii keenay geerideedaba ayaa kooxda CRC oo ayadu ka dhisan magaaladaasi Milano uuna u cayaaro cayaaryahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil Maxamed Cumar horeyna uga mid noqday xulkii qaranka kubadda cagta dalkeena ay go'aansadeen in ay garoonkooda uGu magic dareen orodyahaanaddan Soomaaliyeed si xasuusteedu u sii jirto.

Ismaaciil oo ku magacdheer Diyeeshe oo iiga waramay sababtii dhalisay in oprodyahanaddan ay kooxdoodu uGu magacdaraan garoonka ayaa ii sheegay in maamulka kooxda oo ayagu akhriyey buugan oo noqday mid si aad ah looga iibsaday dalka Talyaaniga ay go'aansadeen in loo baahan yahay hab lagu sii hayn karo magaca Saamiya oo u dhimatay ayadoo raadinaysa in ay nolol cusub ka abuurato dalka Talyaaniga ayna ku faraxsan yihiin go'aanka ay gaareen.

Saamiya Yuusuf Cumar ayaa ka mid ahayd laba orodyahan oo dalka Soomaaliya uga qaybgalay cayaarihii Olimbikada ee dalka Shiinaha ka dhacay sanadkii 2008 dii.

 

 

 


Print Bookmark and Share

Return to previous page