Article Details

Harumarka Kubadda Cagta dalku dan ma u tahay wasaaradda cayaaraha?

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 20/1/2016 | Views: 616

War maanta ka soo baxay xafiiska wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha ee dalka mudane Cusmaan Aaden Dhuubow ayaa lagu xanibay horyaalkii kubadda cagta ee dalka oo si habsami leh uga socday garoonka kaliya ee diyaarka u ah cayaaraha heerkan oo kale ah ee Banadir Stadium.

Amarkan lagu xanibay tartanka kubadda cagta dalka oo ay u soo daawasho tegi jireen maalin kasta tiro aad u badan oo ka mid ah dhalinyarada, caruurta iyo bahwaynta jecel kubadda cagta ayaa ahaa mid la sugayey isla markaana isjiidjiidka iyo hardanka wasaaradda iyo xiriirku uu ahaa mid muddo soo socday dad badanina dhegaha u taagayeen halka uu sal dhigan doono inkastoo uu go'aanka hadda soo baxay yahay mid aan la sugayn fajac badana abuuray.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ayaa warfidiyeenada u sheegay in uu u xanibay cayaaraha ka dib markii ay ogaadeen in waraaqaha lacag-qabashada ee lagu galo garoonka ay yihiin kuwa aan sharci ahayn isla markaana aysan ka warhayn wasaaradda iyo hay'adaha kale ee maaliyadda iyo hantidhawrkuba, asagoo sidoo kalena raaciyey in uu horey ugu digay maamulka xiriirka kubadda cagta si ay u saxaan arintan.

Bahwaynta xiisaysa cayaaraha gaar ahaan kubadda cagta ee dalka iyo dibadda ayaa si kala duwan u arkay go'aankan uu gaaray wasiir ku-xigeenku waxaana ka bilowday goobaha ay bulshadu ku xariiraan doodo ku saabsan sax ahaanta go'aankan, dhaawaca uu gaarsiin karo horumarka kubadda cagta dalka iyo waliba haddiiba uu jiro qalad ay xiriirku galeen sida uu u saxi karo intaba.

Inkastoo ay aad u adag tahay in la ogaado xaqiiqda dhabta ah ee ka dambaysa go'aankan ayaa hadana waxaa hubaal ah in uu jiro hardan awoodeed oo ka dhexeeya wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha oo ah hay'adda u qaabilsan dawladda Soomaaliyeed sare u qaadidda cayaaraha dalka ayadoo adeegsanaysa daqliga ay dawladda Soomaaliyeed u qoondaysay horumarkaas isla markaana dejisa hanaanka horumarineed ee cayaaraha dalka iyo Xiriirka Kubadda Cagta dalka oo ah hay'adda wakiilka uga ah Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka dalka Soomaaliya si ay u horumariso kubadda cagta dalka ayadoo adeegsanaysa tartamo ay u abaabusho kooxaha xubnaha ka ah isla markaana raacaysa sharciyada kubadda cagta ee FIFA.

Wasaaradda cayaaruhu sida aan ka wada dheregsanahay kama soo bixin kamana soo bixi karto xiliyada dhaw waajibaadka ay xaqa ugu leeyihiin bahda sport gu guud ahaan taasoo aysan madaxdeedu eed badan ku lahayn maadaama ay hawshoodu ku xiran tahay dhaqaale lagu maarayn karo cayaaraha dalka waxaase ay wax badan ka qaban kartay wanaajinta xiriirka u dhexeeya wasaaradda iyo hay'adaha kale ee ka shaqeeya cayaaraha, waxay sidoo kale wasaaraddu habayn kartay isla markaana la wadaagi kartay hay'adahaas hanaanka ay u rabto in lagu hago cayaaraha dalka iyo sharciyada qabanaya ciddii u hogaansami waysa ayadoo eegaysa isla markaana niyadda ku haysa sharciyada kale ee qabanaya hay'adahaasi ka shaqeeya cayaaraha ee ay dejiyeen hay'adaha caalamiga ah oo ay xubnaha ka yihiin xiriiradu haba ugu horeysee "in cayaaruhu ka madax banaan yihiin siyaasadda".

Wasiirka wasaaradda cayaaraha ayaa u muuqday mid xiriir wanaagsan oo ifafaalo geliyey bahda sport ga la wadaagayey madaxda cayaaraha dalka waxaana aan xiliyo badan ka aragnay warbaahinta dalka asagoo ka hadlaya sida uu ugu qanacsan yahay horumarka cayaaraaha ee dalka ka socda iyo waliba hawlaha wanaagsan ee ay hayaan madaxda cayaaruhu oo ay ka mid ahaayeen kubadda cagtu waxaase iswaydiin mudan in go'aankan uu wasiirku la qabo wasiir ku-xigeenka haddii uu la qabose maxaa bedelay fikirkiisii hore ee ahaa wada shaqayn iyo ku gacansiin uu horey u balan qaaday?

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda cayaaraha ayaa sheegay in boonooyinka lagu galo garoonka ay yihiin kuwa dad soo samaystay waxaana la iswaydiinayaa in wasaaraddu horey u samaysay warqado lacag-qabasho (Boonooyin) lagu galo garoonka oo ay Xiriirku meel iska dhigeen ka dibna kuwooda isticmaaleen haddiise ay boonooyinkani yihiin kuwii uu xiriirku horey u isticmaali jiray maxaa loo sixi waayey ka hor bilaabashadii cayaaraha?

Su'aasha ugu muhiimsan ee madaxayga aad ugu soo noqnoqonaysa ayaa ah waxa kulansiiyey guulihii xiriirka kubadda cagta ee dalku uu ka soo hooyey qaaraadda Afrika oo ay ugu waynayd magacaabiddii guddoomiyaha xiriirka Cabdiqani Saciid Carab loo magacaabay ku-xigeenka guddoomiyaha xiriirka K Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ay daba socotay biladdii hogaamiyihii ugu wanaagsanaa kubadda cagta ee qaaradda Afrika ayna maalmo ka hor bahwaynta kubadda cagta ee dalku ugu dabaaldegeen magaalada Mogadishu iyo go'aankan lagu xanibayo howlihii halbowlaha u ahaa biladahaas iyo guulahaas uu xiriirku gaaray, markii aan dhinacyo badan ka eegayna waxaa ii soo iftiimay dhawr arimood oo sabab u noqon kara go'aankan iyo xiliga lagu beegay intaba.

Waa marka ugu horeysee wasaaraddu waxay isku dayeysaa in ay dib ula soo laabato awood la burburtay dawladdii dhexe ee dalka ka jirtay 25 sanadood ka hor xiligaasoo ay wasaaraddu ahayd awoodda kaliya ee maamusha cayaaraha dalka ayagoo u arkay in ay xiligan ay tahay xiliga ugu haboon ee ay dib ula soo laaban karaan sidoo kalena aan fiirin cidda uu sida dhabta ah u taabanayo go'aankan oo ah ubadka Soomaaliyeed.

Xiliga lagu beegay oo ah mid aan wanaagsanayn maadaama hadalada wax isdabamarinta ah ee lagu eedeeyey xiriirka ay yihiin kuwa dhaawacaya isla markaana ka horimaanaya hadaladii wanaagsanaa oo lagu amaanayey XSKC kuna salaysnaa waxqabadka iyo horumarka oo aan ka maqlaynay warbaahinta maalmihii ugu dambeeyey kuwaasoo aan ka imaanayn oo kaliya Soomaali balse ka imaanayey warbaahinta kubadda cagta ee qaaradda Afrika, waxayna tani daliil cad u tahay in xiriirka u dhexeeya wasaaradda iyo XSKC uu yahay mid dhaawacan go'aankanina uusan ahayn ku soo booddo balse uu ahaa mid qorshaysan isala markaana lala sugayey waqti ku haboon.

XSK Cagta ayaa asagu u arka in aysan haba yaraatee wasaaraddu soo faragashan karin hawlaha kubadda cagta iyo qaabka ay u maamulaan intaba taasoo ah fikir aan ku koobnayn XSK Cagta oo kaliya balse gebi ahaanba ay qabaan hay'adihii qaranka u shaqaynayey xiliyadii dawlad la'aanta taasoo abuurtay in la isla fahmi waayo awoodaha kala gedisan ee hay'ad waliba leedahay iyo sida ugu wanaagsan ee loo wada shaqayn karo waxaana uusan shaki ku jirin in wasaaradda cayaaruhu tahay hay'adda ugu saraysa ee cayaaraaha dalka maadaama dalka lagu shaqaynayo yahay dalka Soomaaliya kaasoo ay mas'uuliyaddiisa hayso dawladda Soomaaliyeed.

iyo ugu dambayntii kala furfurnaanta bahwaynta sport ga ee dalka oo ah mid aan qarsoonayn kuwaasoo intooda badani u arka XSK Cagtu in uu yahay midka kaliya ee hela dhaqaale joogta oo u saamixi kara in uu tartamo qabto isla markaana ka qaybgalo cayaaraha dibadda uuna yahay xiriir is biday awood ka balaaran kuwooda haddii lala xisaabtamo ama meel gooni ah lagu qashana aysan wax badan u dhimayn hawlahooda iyo horumarkooda aysana muuqan in xiriiradu yihiin kuwa meel uga soo wada jeesanaya go'aamada wasaaraddu ka gaarayso xiriir ka mid ah ayaga.

Hadaba ayadoo ay arimahaasi oo idil yihiin kuwa soo dedejiyey go'aankan ayaa waxaa lama huraan ah in wasaaradda cayaaruhu dib u eegto go'aankan oo ah mid aad loogu degdegay isla markaana meel ka dhac ku ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee isugu jira cayaartoyda iyo taageerayaasha ayna ka haboonayd in go'aankani noqdo midka ugu dambeeya ee ay wasaaraddii loo idmaday in ay ayadu qabato hawlaha ay xanibtay ka gaarto XSK Cagta isla markaana ay dareento in goobta ay xirayso tahay isha kaliya ee ay ku faanto wasaarad ahaan marka la fadhiyo miiska golaha wasiirada iyo waliba marka madaxwaynaha iyo madaxda dalku rabaan shacab fara badan oo ay hal goob kula hadlaan gaar ahaan dhalinyarada oo ah tiirka nabadda dalka.

Waxaa dhinaca Xiriirka ayagana la gudboon in ay gartaan in xiligii ay kaligood dalka ka shaqaynayeen laga gudbayo loona gudbayo xilli lala leeyahay awoodda kubadda cagta dalka ayna haboon tahay in ay wanaajiyaan xiriirka wadashaqayneed ee wasaaradda iyo madaxdeeda oo idil una tusaan wanaaga iyo horumarka kubadda cagta ee dalku in uusan xiriirka kaliya dan u ahayn ee wasaaradduna ka mid tahay hay'adaha ku faani doona horumarkaasi sidoo kalena ay ka baxaan seladda ay keligood xiriir ahaan ku jiraan una tusaan xiriirada kale in ay la mid yihiin ayna wada saaran yihiin doon kaliya.

Taageerayaasha, la taliyayaasha iyo asxaabta labadan awoodoodna waxaa la haboon in ay siiyaan talooyin wax u kordhin kara kubadda cagta dalka kana fogaynaya wasaaradda iyo xiriirka in ay ubadka iyo dhalinyarada soomaaliyeed dushooda ku xarig jiitamaan ayadoo waxa la isku hayaana yihiin shilimaadka yar ee laga aruuriyo dhalinyarada laftooda, shilimaadkaas oo aan ka badnayn qarashaadka ku baxa qabanqaabada tartamada ay daawanayaan iyo kooxaha soo diyaariya intaba.  

Waxaan qaraalkaygan ku soo gunaanadayaa in wasaaradda cayaaruhu garato in go'aamada lagu joojinayo laguna xanibayo tartamada cayaaraha aysan wax dan ahi  ugu jirin wasaaradda kana hormariso go'aamadeedan ku salaysan awoodsheegashada in ay ku soo jiidato bahda cayaaraha waxqabad iyo wada shaqayn dhaw oo ay la yeelato taasoo abuuri doonta kalsooni buuxda oo ay ka helaan.

Waxaana run ahaantii xaqiiq ama hubaal ah haddii aysan wasaaraddu qaabkaas wax u bilaabin in aysan jirin cid aqbalaysaa in garoon aadan taladii lagu dhisay wax ku lahayn, dhaqaalihii lagu dhisay wax ka bixin, haba ugu yaraatee waxba ku lahayn tartamada dalka ka dhaca iyo qaabka loo soo qabanqaabiyo, wax badan ka ogayn qarashka ku baxa tartamadan iyo cidda la siiyo intaba aad waxqabadkii lagaa sugayey kiisii ugu horeeyey ka dhigto mid lagu curyaaminayo dhaqdhaqaaqii horumarineed ee socday kuna salaysnayn mid lagu balaarinayo ama waxtar u leh horumarkaas balse salka ku haya lacag iyo sida loo qaybsan lahaa taasoo xal laga gaari karo isla markaana laga heshiin karo ayadoo aan la xirin isha kaliya ee u iftiimaysa dhalinta Soomaliyeed wuxuuna xaalku ku dhamaan doonaa in madaxda sare ee dalku soo farageliso sidii xilliyo dhacday ka dibna cid waliba miiskeedii hore dib ugu laabato ayadoo aysan wada shaqayni jirin.


Print Bookmark and Share

Return to previous page