Article Details

Xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya oo tababar dhanka macalimiinta ka furay magaalada Muqdisho+Saw

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 4/1/2016 | Views: 592
Xiriirka Soomaaliyed ee kubada koleyga ayaa magaalada muqdisho ka furay tababar ay ka qayb galayaan macalimiinta kubadda koleyga, waxaana xafladda

Tababarkan oo ka furmay xarunta Gos waxaa  ugu Horeyn  ka hadlay Guddoomiyaha XSKK Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani  Waxuuna  sheegay in tababarkan    ay ka qayb qaadanayaan macalimiin laga soo xulay   cayaartooyda cuslaatay , kuwa hada xirafada kuguda jira iyo Ardayda Jaamacaha wax ka barata  isla markaana  uu bixinayo Macalin Cumar Cabduqaadir Baarajab .

Guddoomiye Cadaani  ayaa intaa ku daray in tababarka  loogu diyaar garoobayo tababar heerka koowaad  ah oo  sanadkan gudahiias xirirka qaban doono  isla markaana ay kasoo qayb qaadan doonaan macalimiin ka socota gobolada dalka,  Waxuuna Mahad celin balaaran u soo jeediyay Macalin Baarajab  isagoo  macalimiinta  kula dardaarmay in ay ka faa'iidaystaan  Macalinka maadaama  uu tababrka  afkii hooyo lagu bixinayo taasna ay guul tahay.

Madaxa Amuuraha Gobolada   Gos IBraahin Xuseen Cali Roombe  horeyna u soo noqday guddoomiyaha XSKK  oo goobta ka hadlay ayaa amaanay dadaalka xirirka iyo Macalin Baarajab  ay ku doonayaan in ay xoogga saaraan  tababarka macalimiinta oo ah  halka ay kasoo bixi karaan macaliin soo saarta cayaartooy wanaagsan.

  Macalin Baarajab   oo  xaflada ka hadlay ayaa  sheegay in   dalka uu xaq  ku leeyahay talaabo kasta  lagu horumarinayo kubada koleyga soomaliyeedna uu diyaar u yahay in uuka qayb qaato.

 Macalin Baarajab ayaa dhanka kale sheegay in qorshahiisa kaliya aysan ahayn hal tababar uuna diyaariyay  qorshe 2016- ilaa 2020 oo dhanka tababarka  macalamiinta  kubadda koleya    uuna ku rajo weyn yahay inuu dhaqan geli doono.

 Guddoomiyaha Gos Cabdulaahi Axmed Tarabi oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in barisamaadki ay  kubabdda koleyga ku hormartay   isku xirnaan wadatashi iyo kala faa'iidaysasho ka dhexaysay macalimiinta garsoorka iyo cayaartoodya taasna loo baahan yahay in dib loo soo celiyo , macaliinta tababarka  qaadanayo laga doonayo   in ay gartaan in masuuliyad culus ay saaran tahay.

 Guddoomiye Tarabi ayaa   dhanka kale amaan usoo jeediyay Madaxda Xiriirka  oo waqti geliyay  horumarinta kubadda koleyga qaybaheeda kale gedisan iyo Macalin Baarajab oo  go'aansaday in  aqoontiisa  dalka dib uu soo celiyo.

 Ugu dambeyn waxaa xaflada ka hadlay oo tababarka furay Guddoomiye sharafeedka Gos Cabduqaadir Ibraahin acan Abkoow waxuuna si qooto dheer uga sheekeeyay taariikhdii  ay soo martay kubadda koleyga iyo qabkii ay ku hormartay   waxuuna  xiriirka  kula dardaamay inay soo celiyaan taariikhdii wacnayd ee  kubadda koleyga ku lahayd qaaradda afrika.

 Tabarkan oo ay ka qayb qaadanayaan  35 macalin ayaa socon doona muddo  5 maalin ah  waxayna macalimiinta qaadan doonaan  xirfadaha kusoo kordhay kubadda koleyga oo cashar ahaan loo bari doono iyo tababar uu macalinka ku bixinayo garoonka Wiish oo qaab ficil ah loo barayo.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

DSC09488IMG_9548 IMG_9581 DSC09498IMG_9640IMG_9658IMG_9686IMG_9745IMG_9832IMG_9855IMG_9853IMG_9899IMG_9876IMG_9899

IMG_9947IMG_9955


Print Bookmark and Share

Return to previous page