Article Details

Horyaalka kubadda koleyga 2015-16 oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 26/12/2015 | Views: 607
Waxaa magaalada muqdishio gaar ahaan garoonka Wiish ka furmay horyaalka kubada kolega 2015-16, waxaana xafalda furitaanka kasoo qayb galay masuuliyiin ka soctay Guddiga Olombiakada qar ka mid ah xirirada, madaxada xiririka kubada kolegya iyo marti sharaf kale.

Ugu horeeyn waxaa halkaasi ka hadlay kusimaha xoghayaha Xiriirka kubada koleyga Cabdi Cabdulle Baasaale waxuuna tilmamay in ay horyaalka sanadkan ay ka qayb galayaan 10 koox , halkii ay horey u ahaan jireen sideed koox isla markana ay kooxuhu diyaar usoo galeen tartanka ayna ka rajeynayaa in cayaaro wanasgan ay soo bandhigaan.

Guddoomiyaha xiriirka kubada Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxmaed Caddaanin oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan garsoori doonaan horyaalka garsoorayaa aqoontoda sare loo qaaday oo lix ka mid ah ay ku guulaysteen shahaada heerka soon ah laga rajeynayo in ay soobadnhigaan habgarsoor wanaagsan oo cadaalad ah.

Guddoomiye Cadaani ayaa intaa kudaray in xiriirka horyaalkan ka xulan doono cayaartoydii matali lahayd qayabah kale gedisan ee xulka qaranka, basle aanan laxuli doonin cayaartooy aqlaaqadiisa aysan wanaaagsanayn si kasta uu u cayaar wanaagsan yahay, waxuuna maamulka , kooxaha , cayaartoyda iyo taaageerayasha ka codsaday in laga wada shaqeeyo sidii uu tartanka ku wanaagsananaan lahaa.

Ugu dambayn waxaa goobta ka hadlay oo tartanka furay Madaxa Amuuraha Goboadla Gos, Ibraahim Xuseen Cali Roombe waxuuna sheegay in xiriirka kubadda Koleyga uu horumarku talaabsanayo si gaar ah ay u farxad gelinayso tirada kooxaha heerka koowaad oo sare loo qaaday taasna ay tartanka ka dhigayso mid xiiso leh.

Kulanki furitaanka horyaalka oo lagu daah furay kooxda Heegan oo horyaalka difacaysa iyo Gaadiidka oo sanadkan ku cusub horyaalka waxayna 66-27 guusha ku raacday Wiilasha Heegan.

Goolkii ugu horeeyay Horyaalka Waxaa dhaliyay Cali Bile oo No 15 u qaata kooxda Heegan ,halka Cusmaan Cali Guuleed oo No 4 u qaata Heegan uu dhaliyay goolashii ugu badnaa kulanka 13 .

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com 

Daawo Sawirada:

_MG_9562 _MG_9574IMG_9458IMG_9489IMG_9545IMG_9367 IMG_9372 IMG_9374 IMG_9380 IMG_9384_MG_9436_MG_9441_MG_9443_MG_9580_MG_9585_MG_9608_MG_9631DSC09371IMG_9389 IMG_9392 IMG_9408 IMG_9415 IMG_9425

Print Bookmark and Share

Return to previous page