Article Details

Kooxda kubadda cagta Heegan oo ku dhawaaqday macalinkeeda cusub

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 26/12/2015 | Views: 444
War saxaafadeed kasoo baxay maamulka kooxda kubadda cagta Heegan ayaa lagu xaqiijiyey in Saalax faarax Muxudiin loo magacaabay xilka macalinimo ee kooxda Heegan.

Tababare Saalax faarax muxudiin oo la hadlay Website-ka kooxda Heegan ee Heegansc.com ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay xilka macalinimo ee loo magacaabay wuxuuna kooxda Heegan ku tilmaamay mid kamida kooxaha ugu waaweyn dalkeena.

Waa markii labaad oo uu tababare Saalax faarax muxudiin qabto xilka macalinimo ee kooxda Heegan maadama uu kooxdan leylinayey intii u dhaxeysay 2010- 2012.

MacalinkaCusub Saalax fraax Muxudiin ayaa kulankiisa ugu horeeya Heegan Hogaanmin doona  Maalinta isniinta oo ay taariikha ku beegan tahay 28 December oo ay kulanka furitaanka horyaalkakubadda cagta 2015=16  la cayaari doonaan kooxda Dekedaha.

W/D: Xabiib Axmed Cali

Email: Xabiib8@hotmail.com

Print Bookmark and Share

Return to previous page