Article Details

Horseed oo ku guulaysatay koobka sare ee Soomaaliya.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 25/12/2015 | Views: 473

Kooxda Horseed ayaa mar kale muddo laba usbuuc gudahood ah dhegta dhiiga u dartay kooxda Heegan ka dib markii ay galabta rigoorayaal uga qaaday koobka sare ee dalka oo ah mid ay ku loolamaan kooxaha kala haysta Horyaalka iyo Jeneral Daauud.

Kulankan oo ahaa mid aad uga cuslaa kulankii ka horeeyey kooxuhuna ay diyaargarow adag u soo galeen hanashada koobkan ayaa waxaa cayaarta laga saaray laba ka mid ah laacibiinta kooxda Horseed balse aysan ka faaiidaysan tirada dheeriga ah ee kooxda Heegan garoonka ugu jirtay taasoo keentay in cayaartan gabagabadeedii ay isku mari waayaan gool la'aan.

Xiliga kulankan dhamaaday oo mugdi sii noqonayay iyo garoonka oo aan wali u diyaarsanayn in habeenimo lagu cayaaro darteed ayaa garsoorayaashii kulanku go'aansadeen in rigoorayaal lagu kala baxo waxaana 3-1 ay guushi ku raacday kooxda Horseed oo koobkii labaad ka marooqsatay kooxda ay ciidamo-wadaaga yihiin ee Heegan.

Kulankan ayaa waxaa markii ugu horeysay si toos ah looga daawanayey Telifishanka Universal oo si uu u tabiyo kulankan isticmaalayey aaladd casri ah ayadoo uu telifishanka qaranka Soomaaliyeedna uu kulankii labaad muddo usbuuc gudihiis ah si toos ah u tabinayey cayaartan taasoo dhamantood muujinaya horumarka kubadda cagta dalka.   

Dhinaca kale daawashada cayaartan ayaa waxaa ka soo qaybgalay tiro ka mid ah maauladii, cayaartoydii iyo macalimiintii dalka oo qaarkood dalka dibaddiisa ka soo laabteen kuwaasoo galabta marqaati ka noqday horumarka sport ga dalku ku talaabsanayo waxaana wajiyadooda ka muuqday farxad aad u saraysa.

 

 

 

 

Xuquuqda sawirada waxaa leh: Xuseen Hadaafow iyo Sacad Cumar Geeddi

 

 

 


Print Bookmark and Share

Return to previous page