Article Details

Xiriirka Kubadda cagta oo soo saaray isku aadka horyaalka 2015-16 , Xilli Kulanka ugu adag lagu daah

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 22/12/2015 | Views: 520
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa soo saaray jadwalka horyaalka kubadda cagta dalka 2015-16 .

Sida ku xusan jadwalka uu maanta xiriirka soo saaray waxaa kulanka ugu horeeyay la ciyaari doona isniinta oo ay taariikhda ku beegan tahay 28 December waxana lagu daahfuri doonaa kooxaha Dekedda iyo Heegan oo horyaalka difaacanasya .

Madaxa Warfafinta Xiriirka kudbadda cagta Shaafici Muxudiin Isloow ayaa warsaxaafadeda uu soo saaray ku sheegay in xiriirkiisu go’aan ku gaaray la cayaro isniinta sababta ay tadhay si taageerayaasha Jecel kubada cagta ay u helaan fursad ay ku daawadaan cayaaraha caalamka ka dhacaya.

” sida an lawada socono boqolkiiba 95 dadkeena waa kuwa jecel kubadda cagta , waana sabata ka dambaysa in cayaraha la cayaaro maalmaha Isniinta ila Jimcaha , si ay u helaan fursad ay ku daawadaan horyaalada calamka ka dhcaya maalmaha Sabtida iyo Axad a” Ayuu warsaxafadedkiisa ku yiri madaxa warfaafinta Xiriirka kubadda cagta .

Shaafici ayaa intaa ku daray in Sanadkan uu horyaalka ka xiiso badnan doono sanadki lasoo dhaafay isla markaana 10 koox ee ka qayb galaya horyaalka ay diyaar garow usoo galeen horyaalka, iyadoo cayartooyda ajanibta soo korotay sanadkan ay horyaalka xiiso gaar ah u yeeli doonaan.

Kulanka ugu horeeya Horyaalka waxaa Isniinta siaga hor iman doona Kooxaha Heegan iyo Dekedda

Haddaba halkan ka aqrsio Jadwalak oo dhamsytiran

Somali League fixtures

Print Bookmark and Share

Return to previous page