Article Details

Daafacii hore ee kooxdii Horseed oo u hambalyeeyey kooxdiisii hore.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 19/12/2015 | Views: 542

Daafacii adkaa ee kooxdii ciidamada qalabka sida ee Horseed iyo xulkii qaranka Siciid Xuseen Cayrow ayaa kooxda Horseed ugu hambalyeeye hanashada kooobka Jeneral Daauud ee sanadkan oo ay maalinimadii khamiisti 2-1 uga qaaday kooxda Heegan.

Siciid Cayrow oo ku sugan magaalada London isla markaana laga dareemayey farxad aad u badan ayaa ku tilmaamay guushan mid taariikhi ah isla markaana dib u soo celinaysa magacii kooxda Horseed oo muddo badan uu saameeyey burburkii baaxadda lahaa ee ku dhacay dalkeena.

"Xaqiiq ahaantii maanta lama soo koobi karo farxaddayda waxayna la mid tahay anigoo koobkan wax ka qaaday waxaanan halkan hambalyo u marinayaa cayaartoyda, macalinka, maamulka iyo taageerayaasha kooxda Hoseed oo ay caado u ahayd isku duubni iyo wadajir sida aan ka arkayno telifishankan wali xambaarsan caadadaasi wadajirka ah, waxaanan u rajaynayaa guulo intaan ka badan" ayuu yiri Saciid Xuseen Cayrow oo ka mid ahaa daafacyadii ugu adkaa ee soo mara kooxdii Horseed.

Cayrow oo aan sidoo kale wax ka waydiiyey in uu asagana fariin u dirayo saaxiibkiis Cabdi Kuus oo ay ka wada tirsanaayeen kooxdaasi Horseed balse hadda ka mid ah tababarayaasha kooxda Heegan ayaa waxa uuna yiri asaga oo dhoolacaddaynaya

"Saaxiibkay Cabdi Kuus waa ka xumahay in aan koobka ka qaadnay laakiin waxaan ku niyadsamahay in Hoseed tahay kooxda kaliya uu uga samri karo koobka haddii uu seegay asaga iyo kooxdiisa  waxaanan leeyahay waa inoo kulanka dambe".

Kooxaha Horseed iyo Heegan ayaa la filayaa in ay mar kale ku kulmaan kulanka Super Cup ka oo mar kale si toos ah looga daawan doono telifishanka qaranka soomaaliyeed.


Print Bookmark and Share

Return to previous page