Article Details

Garsoore Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya tababar caalami ah.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 19/12/2015 | Views: 601

Warsame Cumar Cabdulle oo sanadkii 1991 kii magaalada Firenze ee dalka Talyaaniga  ka qaatay shahaadada garsoorenimada kubadda cagta ayaa hadda ku sugan magaalada Zurich ee dalka Switzerland halkaas oo uu ku soo qaadan doono shahaadada tababaridda garsoorayaasha kubadda cagta.

Tababarkan oo socon doona muddi 10 cisho aha ayaa ka kala dhici doona magaalooyinka Zurich iyo Firenze laguna baran doonaa sida loo tababaro garsoorayaasha kubadda cagta taasoo ah fursad aad qaali ugu ah bahwaynta Sport ga Soomaaliyeed gaar ahaan garsoorka kubadda cagta dalkeena.

Warsame oo aan magaalada London kula kulmay inta uusan u ambabixin dalka Switzerland ayaa ii sheegay in uuu aad ugu faraxsan yahay fursaddan ay siiyeen Xiriirka Kubadda Cagta dalka Talyaaniga uuna filayo in uu wax badan ka soo faaiidaysan doono isla markaana uu uga faaiidayn doono dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel garsoorka kubadda cagta maadaama uu noqon doono macalin tababari kara garsoorayaasha kubadda cagta.

 

Bahda sport ga magaalada London iyo gaar ahaan shabakaddan cayaaraha.com ayaa ugu hambalyeynaya tababarkan iyo horumarka uu ku talaabsaday garsoore Warsame waxaana ay u rajaynayaan guul.

 

 


Print Bookmark and Share

Return to previous page