Article Details

Wiilasha Shibis oo ku guulaystay Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka 2015+S

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 19/12/2015 | Views: 540

 Wiilasha kubaddA Koleyga degmaad Shibis ayaa ku guulaystay tarTanka kubadda Kolega degmooyinka gobolka Banaadir kadib markii ay ka adkaadeen Dhigooda.


Cayaartan oo ka dhacday garoonka Wiish waxaa usoo daawasho tagay masuuliyiin kasocotay Guddiga OLombikada , Madxda Xiriirada, madaxda labada degmo ,iyo dadweynihii ugu badnaa oo garoonka soo buux dhafshay.

Cayaartan oo ahday mid adag oo lagu loolmayodegmadii noqon lahady degmada sanadkan ee Kubadda Koleyga Wiilasha gobolka Banaadir ayay labada degmo soo bandhigeen cayaar ay u riyaaqeen dadweynihii usoo daawosho tagay waxaana qaybta hore lagu kala nastay 22-20 ay hogaanka ku hayaaan Wiilasha Shibis

Marki laysku soo laabtay Shibis ayaagoolal deg deg ah oo si cajiib ah loooga shaqeeyay dhalisay taasoo Wiilasha Boondheere ay kasoo kaban waayeen waxayna cayaarta kusoo idlaatay 51-38 oo ay guusha ku raacday Degmada Shibis.

Degmada Shibis ayaa sidaa ku noqotay horyaalka kubadda Koleyga Wiilasha Gobolka Banaadir ee 2015 , waxayna booska kala baxday Degmada Cabdicasiis oo koobkan haysatay.

Maamulka isboortiga gobolka Banaadir ayaa  in abaalmarinada  tartanka Wiilasha lagu bixin doono gunaanudka tartanka Gabdhaha oo lagu wado in uu  Garoonka Wiish ka dhaco maalinta axadda  oo ay taariikda ku beegan tahay 21 December waxaana ku loolami doonaan Gabdhaha Xamar weyne iyo Wadajir.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Print Bookmark and Share

Return to previous page